Munaasabad aad u ballaaran oo loogu talaggalay in loogu duceeyo Prof. Cali Jimcaale Axmed, ayna ka soo qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ehellada marxuumka iyo marti sharaf kale, ayaa 9/4/2026, waxaa loogu qabtay hoolka jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Ugu horreyn, waxaa kulankaasi ka hadlay madaxa Naxwaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirudawlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad, Xildhibaan Faarax Macallin Dawaare oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo ka sheekeeyay taariikhda marxuumka, waxayna Alle uga baryeen inuu Jannadiisa ka waraabiyo.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay Prof. Cali Jimcaale Axmed inuu mudan yahay in loo sameeyo xus iyo xusuus qaran, wuxuuna xusay in Akademiyada Cilmiga ay ka go’an tahay xuska haldoorka Soomaaliyeed ee dalka wax u taray.
Wasiir Faarax Cabdulqaadir oo soo gunaanaday munaasabadaas ayaa tilmaamay inuu ka mahadcelinayo sida mugga leh ee looga soo qaybgalay xuska marxuumka, waxuuna caddeeyay in Prof. Cali Jimcaale uu ku waari doono quluubta shacbiga Soomaaliyeed, isagoo ummadda uga tacsiyeeyay geerida ku timid aqoonyahankaas,















