Qofku marka uu hadlayo hadalkiisa si habaysan ayuu u soo gudbiyaa. Sidaas oo kale, waa in qoraalkana habsami loo qoraa. Waxyaabaha erayada ka baxsan, ee ka qayb qaata gudbinta macnaha, iyagoo calaamado ah, waa in lagu daraa qoraalka. Taas ayaana loo yaqaanaa dalaynta ama astaamaynta qoraalka, ama “punctuation” “علامات الترقيم”.
Aalaaba qofku marka uu hadlayo waxaa macnaha kaaba luuqda codka, neefsashada (aamusyar), dareenka wejiga iyo dhaqdhaqaaqa ay xubnaha jirku samaynayaan. Dalayntu waa isku day ah in arrimahaas lagu muujiyo astaamo la isla yaqaan.
“Dalaynta qoraalku” waxay taabbagelisaa helidda akhris sax ah, faham sax ah, iyo, sidoo kale, qurxinta qoraalka. Bal is barbardhig macnaha ay gudbinayaan labadan weerood:
Tus1: Cali, Axmed walaalkii, ayaan arkay.
Tus 2: Cali Axmed walaalkii ayaan arkay.
Waxaa la arkay waa laba qof oo kala duwan, waxaana kala duway hakadka ku jira.
Astaamaha qoraalka loogu adeegsiga badan yahay waxaa ka mid ah:
1. Joogsi(.)
Waxaa la adeegsadaa marka weertu dhammaato, caadina tahay; sida:
Faarax waxa uu dhegaysanayaa idaacadda.
2. Calaamadda Su`aasha( ? )
Waxaa la adeegsadaa marka ay dhammaato weer-su`aaleed, sida:
Ma aragta yqalinkaygii?
3. Calaamadda Yaabka( ! )
Waxaa la qoraa marka lagu dhawaaqo hadal yaab ku jiro, ama filanwaa ka muuqdo; sida:
Alla, qurux badanaa surwaalkani!
4. Hakad ( , )
Hakadka waxaa la adeegsadaa weedha dhexdeeda, si loo kala sooro ama loo kala saaro erayo ama oraahyo weedha dhexdeeda ah; sida:
Waxaa yimid Cali, Faarax, Geeddi iyo Caasho.
Qalin cusub, oo cas, ayaan soo gatay.
Haddii aad soo habsaantid, waan kaa tegayaa.
Fadlan, koob shaah ah ii shub.
Haddii ay kaa murugto meesha ku habboon hakadka, waxaad kaalmaysataa inaad qoraalka kor u akhrido; meesha aad neefsato ayuu hakadku gelayaa!