Xarunta dhexe ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo haatan dhismaheedu uu marayo heer gaba-gabo ah ayaa shalay oo ku beegneyd 21/8/2021, waxa soo booqday masuul qaran oo ka tirsanaa Xildhibaannadii hore ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo masuulkaasi ku soo dhaweeyay dhismaha xarunta dhexe ee Akadeemiye-Goboleedka ayaa uga war-bixiyay halka uu iminka marayo dhismahaasi, waxaana uu caddeeyay in uu rajeynayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gunaanadi doono dhismahaas.

Xildhibaan hore, Prof. Xuseen Macallin Iimaan oo ahaa masuulka soo booqday xarunta AGA ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid xaruntaasi, waxaana uu halkaasi kula wadaagay Guddoomiyaha AGA talooyin ku aadan sii horumarinta dhismahaasi, isaga oo Dr. Afrax uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay xaruntaasi.

Horey ayaa xaruntaasi waxaa u soo booqday madax isugu jirtay Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, Danjirayaal, Aqoonyahanno iyo dad kale oo magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.