Kulan loogu talaggalay gorfeynta laba buug oo qiimo badan, uuna soo qabanqaabiyay naadiga akhriska iyo qoraalka Qalinqoyan ayaa 17 Luulyo 2025, waxa uu ka dhacay xarunta Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Bilowgii gorfeyntaas, waxaa lagu faaqiday buugga “𝗗𝗔𝗪𝗔𝗡” oo ka hadlayo sida uu qofka u gaari lahaa xorriyad maaliyadeed oo buuxda, waxaana si cajiib ah u soo koobay guddoomiye kuxigeenka naadiga mudane Yaasiin Cabdullaahi Maalin oo ah dhaqaalayahan wax badan ka akhriyey buugaagta dhaqaalaha la xiriira.

Intaas kadib, waxaa la gudagalay gorfaynta mid ka mid ah buugaagta ugu iibsiga badan caalamka ee la yiraahdo “𝗧𝗵𝗲 𝟳 𝗛𝗮𝗯𝗶𝘁𝘀 𝗼𝗳 𝗛𝗶𝗴𝗵𝗹𝘆 𝗘𝗳𝗳𝗲𝗰𝘁𝗶𝘃𝗲 𝗣𝗲𝗼𝗽𝗹𝗲” oo uu soo jeediyey barasare Cali Maxamed Maxamuud, isagoo si gundheer u faaqiday xeeladaha lagu abuuri karo caadooyinka wanaagsan ee ay leeyihiin dadka guuleystay.

Dhammaan ka qaybgalayaashii gorfayntaasi ayaa si weyn u dhuuxay mucda iyo aqoonta ku duugan buugaagtaasi, waxayna caddeeyeen inay si ballaaran uga heleen sida wanaagsan ee soo jeediyaasha buugaagtaasi ay ula wadaageen nuxurka ityo macluumaadka uu xambaarsan yahay buug kasta oo ka mid ah labadii buug ee gorfayntaasi lagu faaqiday.

Ugu dambeyntii, waxaa madasha soo xiray guddoomiyaha naadiga akhriska iyo qoraalka Qalinqoyan Ismaaciil Cabdullaahi Maxamed (Mrk), wuxuuna bogaadiyey dadaalka iyo howlkarnimada gorfeeyayaasha, sidoo kale wuxuu u mahadceliyey xubnaha naadiga ee sida hufan u akhriyey buugaagtii bishaan naadiga miiska u saarnaa.