Munaasabad kooban oo loogu talaggalay gorfaynta kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahanno, culumaa’udiin, qorayaal, dhallinyarada naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo marti sharaf kale, ayaa 6/2/2025, waxaa lagu qabtay maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Shiikh Cabdiraxmaan Yaraani Aadan oo ah qoraha kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, (مختصر آصول القواعد في إعراب النحو)  ayaa guudmar ku sameeyay sababaha ku dhaliyay qoraalka kitaabkaasi, wuxuuna iftiimiyay inuu ugu tallaggalay sidii uu ardayda ugu fududeyn lahaa barshada naxwaha, isagoo dhanka kale ugu mahadnaqay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ugu deeqday hoolka maktabadda AGA ee lagu qabtay gorfaynta kitaabkiisa.

Aqoonyahannadii ka qaybgalay gorfayntaasi ayaa halkaasi ka soo jeediyay hadallo isugu jiray tilmaamo iyo tusaalooyin ku aaddan kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, iyagoo caddeeyay inuu dadaal badan sameeyay qoraha kitaabkaas.

Horey ayaa 24/12/2024, waxaa kitaabka Qawaacidda iyo Icraabta Naxwaha Carabiga, loogu soo bandhigay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).