Munaasibad ballaaran oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, ayna  si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen naadiga qalinleyda Soomaaliyeed ee PEN iyo Xarunta Dhaqanka Aw-jaamac ee Nairobi ayaa 21.2.2020, waxaa lagu qabtay xarunta shirarka ee dhismaha Eastleigh Mall, xaafadda Eastleigh Nairobi, Kenya.

Ujeedka kulankaasi wuxuu ahaa is xog-waraysi bulshada iyo afmaalka u dhexeeya, kuna aadan bal sida loogu dhiiri-gelin karo da’yarta iyo carruurta inay bartaan afkooda, iyo sidii arrimahaas ay qayb uga noqon lahaayeen goobaha waxbarashada iyo waalidka.

Intii uu barnaamijku socday waxaa jiray dood cilmiyeed ku aadan doorka ay macalimiinta Quraanku iyo culimaa’udiinku ku lahaayeen  horumarinta afka iyo sida hadda ay xaalkoodu  yahay, iyadoo uu dooddu uu ka qayb-qaadanayey Macalin Maxamed Dayib oo metelayey Isbaahaysiga Dugsiyada Quraanka Nairobi.

“Macalimiinta iyo Mashaa’yiiqda diintu waxay ahayeen kuwii culuunta Islaamka u bedelay af Soomaali, mar-kastana door muhiim ah ayey  ciyaarayeen, haddase waxaad moodda in dhinaca Carabiga xoogga la saaray, tan oo ah khalad bulsho” ayuu yiri Macalin Dayib.

Fardowsa Jamaac oo ka socotay  xarunta dhaqanka ee Awjamac Cumar ee Nairobi ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin ka xarun ahaan bixinta wixii kaalin ah ee looga baahdo.

Dhinaca kale Xuseen Cabdi Xalene oo ah qoraa, ayaa goobta ka soo jeediyey in la furo iskuul lagu barto dhaqanka iyo Afka, taasoo si niyadsami ah la isula gartay.

Intii madashu socotay waxaa dhallinyaro ka socotay ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha  Kenya  wax ka barta ay ku soo bandhigeen riywaad ka turjumaysay muhiimadda Afka hooyo leeyahay, taasoo halku dhiggeedu ahaa “U hiili Afka Hooyo”.

Maxamed Xasan Cirro oo ah madaxa xafiiska SPEN ee Kenya ayaa isagu goobta ka sheegay in loo baahan yahay kacdoon cusub oo lagu wajaho sidii da’yarta loogu dhiiri-gelin lahaa muhiimadda afka, iyadoo dhallinyarada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool wakhtigaan ay xoogga saraaan barashada luqadaha aan ahayn afkooda hooyo, aysanna jirin manhaj waxbarasho iyo nidaam kale oo u sahli kara inay bartaan afkooda hooyo.

Md, cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuuxsaday in da’yarta looga baahan yahay inay ku soo gudbiyaan hal-abuurkoodda qoraal sida buugta, maqaallada iyo warbixinada ay doonayaan inay soo baahiyaan.

“Xarunta dhaqanka ee Awjamac ee aad og-tihiin hawsha ay ka qabato Kenya ee dhinaca afka iyo dhaqanka ah, waxay ku timid dadaalka SPEN, waxayna ka soo baxday kulankii  shanaad ee naadiga ee 2012 lagu qabtayJabuuti, guulihii kulankaas ka dib  ayaana xaruntaan aasaaskeeda ku yimid” ayuu yiri Maxamed Cirro.

Xoghayaha koowaad ee Saafaradda Soomaaliya ee Kenya Cabdillaahi Shariif Maxamed, wakiilna ka ahaa safiirka ayaa sheegay inay ka safaarad ahaan wixii awoodooda ah ka qayb-qaadanayaan dadaalada la doonayo in lagu horumariyo afka,  gaar ahaan markay noqoto Kenya oo bulsho Soomaaliyeed oo badani ku nooshahay.

Gebagebadii waxaa madasha loo furay dhamaan dadweynaha, inay suugaan, maahmaah iyo xigmad wixii qof kastaa kaga qayb-qaadan karo maalintaan uu soo jeediyo, arintaas oo aad loo soo dhaweeyay.

Xafiiska Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed

Nairobi, Kenya.