Carwa bandhig buugeed ay si wadajir ah u soo wada qabanqaabiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (SSPEN) ayaa 11-kii bisha Setember 2021, waxaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Boqolaal buug oo ku kala qoran af Soomaali, Ingriisi iyo Carabi ayaa halkaa lagu soo bandhigay, iyada oo ay ka soo qeyb-galeen dadweyne fara badan oo isaga kala yimid daafyaha London, kuwaasi oo saacado badan ku hawlanaa raadinta buugta ay xiiseynayeen. Iyada oo xusid ay mudan tahay in ka badan toban qoraa in ay halkaasi ku soo bandhigeen tacabkoodii, iyaga oo dhanka kale qorayaashaasi ay dadweynaha ugu jawaabayeen su’aalaha ay weydiinayeen.
Waxaa sharaf weyn u ahaa goosanka AGA/SSPEN ee Yurub, gaar ahaan UK in Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Qoraa Siciid Jaamac ay khadka telefoonka uga soo qeyb galaan.
Wakiilka AGA ee UK Dr. Cabdulqaadir Ruumi ayaa furitaankii soo dhaweeyey dadweynihii ka soo qeybgalay carwada, kadibna ku soo dhaweeyey Guddoomiye Afrax oo mahadnaq iyo bogaadin u soo jeediyey ka soo qeybgalayaashii kuna booriyey kor u qaadidda dhaqanka wax akhriska iyo waajibnimada u hiilinta afka hooyo.
Qoraa Siciid Jaamac Xuseen oo ku hadlayey magaca AGA iyo SSPEN ayaa isna xusay muhiimadda kulamada noocan oo kala ah iyo sida ay labadaa hay’adood ay mar walba u garab taagan yihiin inta wax qorta iyo inta wax akhrisaba.
Xiisa gooni ah waxaa lahaa is barashada iyo is dhexgalka halkaa ka muuqatay ee dhex marayey dadka buugta xiiseeya ee goobta joogay, qorayaashii iyo wakiilladii shirkadaha buugta daabaca sida LoohPress, Garanuug, Laashin, Ciid, Kasmo, Galool iyo Xildhiban.
Ugu dambeyntii AGA/SSPEN – UK ayaa ballan-qaaday in carwadu noqon doonto mid sannadle ah haddii Alle idmo.















