Xaflad si wanaagan loo soo agaasimay oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliya AGA, ayaa maalintii Axadda ee taariikhdu ay ahayd 21-ka Febraayo, 2021 waxaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Xafladdan, oo lagu qabtay Hoteelka Caddaanni ee magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa ka soo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Maammul-goboleedka Galmudug, Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Wakiilka AGA ee Galmudug, Madax-dhaqameed, masuulliyiin ka tirsan Ururrada Bulshada ah, bareyaal, abwaanno, warfidiyeen, iyo waxgarad kale oo ka mid ah dadka deegaanka. Munaasabaddaas oo abaabulkeedu uu aad u sarreeyay ayaa waxa ay ahayd xafladdii ugu horreysay ee lagu xusayo Maalinta Afka hooyo ee 21-ka Febraayo, ee waligeed lagu qabto magaalada Dhuusamareeb.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee Galmudug Abwaan Calideeq Maxamed Xaashi oo, ugu horreyn munaasabaddaas khudbad ka jeediyay, ayaa ka-qayb-galayaasha guud iyo gaar ahaan masuulliyiinta Galmudug, waxa uu uga mahad-celiyay sida miisaanka leh ee ay uga soo qayb-galeen xafladda Xuska Maalinta Afka Hooyo. Wuxuuna ka qayb-galayaasha gaarsiiyay salaan diirran oo uu uga sido Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA.
Wakiilka AGA ee Galmudug, oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu tilmaamay sababta keentay AGA, ujeeddooyinka ay higsanayso, waxqabadkeeda, iyo tilmaamaha ay u gudbinayso shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday inay jiraan dhibaatooyin badan oo Af Soomaaliga hoos-u-dhac gaarsiiyay. Waxaana ka mid ah isbaddalka ku dhacay hab-nololeedkii Soomaalida ee reer miyinimada oo Af Soomaaliga u ahayd difaac iyo kobcinba. Wuxuuna farta ku fiiqay in dhibaatooyinka Af Soomaaliga haysta ay ugu daran tahay saamayn taban oo afafka shisheeye ay ku yeesheen Af-Soomaaliga. Wuxuuna carrabka ku dhuftay labo arrimood oo saamayntaas tusaale u ah. Waxayna kala yihiin in Soomaali badan oo dibadaha ku kortay ay Af Soomaaliga luminayso iyo in Af Soomaaligu uu ka soo wiiqmayo magaalooyinka Gayiga Soomaaliyeed.
Wakiilka AGA ee Galmudug wuxuu nasiib-darro ku tilmaamay halkii ay ahayd in reer-magaalku ay Af Soomaaliga xoojiyaan lidkeeda ay Af Soomaaliga dhibaateeyaan. Wuxuuna sii tilmaamay laga-maarmaannimada in Af Soomaaliga laga xoojiyo meelaha uu ka dhutinayo oo ay ka mid yihiin Magac-bixinta carruurta. Isagoo ugu baaqay waalidka Soomaaliyeed inay af Soomaaliyeeyaan magac-bixinta carruurteenna oo marba marka ka dambaysa ay ku sii badanayaan magacyada Af-carbeedku.
Wakiilka AGA ee Galmudug Abwaan Calideeq waxa uu caddeeyay sida AGA ay mar kasta uga go’an tahay Hiilka Af Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa. Isagoo wax ka taataabtay Waxqabadkii AGA ee labadii sano ee hore ay ka samaysay Galmudug. Waxqabadkaas oo ay ka mid yihiin furistii Maktabadda Koonfurta Gaalkacyo, deeq buugaag ah oo marar badan ay AGA gaarsiisay bahda waxbarashada iyo aqriska iyo, sidoo kale, wacyi-galin ballaaran oo ku saabsan Hiilka Af Soomaaliga. Wuxuuse sheegay in AGA kaliya aysan xallin karin dhibaatooyinka haysta Af Soomaaliga. Balse loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed oo dhami ay AGA wada noqdaan. Isagoo uga mahad-celiyay masuulliyiinta iyo shacabka Galmudug sida hagar-la’aanta ah ee ay u gacan-siiyeen AGA labadii sano ee ay ka hawl-galaysay deegaannada Galmudug.
Wuxuuna ugu dambayntii ka codsaday madaxda heerarka kala duwan ee maammulka inay Af Soomaaliga ka xoojiyaan dhinacyada Manhajka Waxbarashada iyo hawl-maalmeedka xafiisyada maamulka. Isagoo si gaar ah u codsaday in meheredaha ganacsiga qasab looga dhigo inay magacyo Af-Soomaali ah ay ku qortaan meheradahooda, ayna Af Soomaali u baddalaan magacyada afafka qalaad ee hadda ay leeyihiin meheradahooda badan oo ganacsi.
Xafladda waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Waxbarshada iyo Warfaafinta Galmudug Mudane Maxamed Nuur Dhoorre iyo Mudane Axmed Shire Falagle, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Mudane Shariif Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Mudane Sh. Cabdiraxmaan Geeda-qoroow iyo Ugaas Cabdullaahi Ugaas Aadan Xuseen.
Madaxdaas ayaa waxay si ballaaran u soo dhaweeyeen Hiilka Af Soomaaliga ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee AGA ay ka waddo Geeska Afrika iyo dalalka kale ee Caalamka ee Ummadda Soomaaliyeed ay ku nooshahay. Waxayna si gaar ah uga mahad-celiyeen AGA Waxqabkeeda Galmudug. Iyagoo si gaar ah u xusay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka ee AGA ay ku qabatay Magaalada Dhuusamareeb 21-ka Febraayo, 2021, in uu noqon doono mid taariikhi ah oo ay ku soo xusuusan doonaan Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo hawl-galkeeda Galmudug.
Masuulliyiintaas, oo ka hadlay qiimaha Af Soomaaliga, waaya-aragnimadooda tan iyo jeerkii la qoray Far Soomaalida iyo hoos-u-dhaca rubuc-qarnigii u dambeeyay soo gaaray Af Soomaaliga, ayaa waxay ballan-qaadeen inay kaalintooda ka qaadan doonaan Hiilka Af Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa, ayna ku garab-taagan yihiin Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee loo soo gaabiyo AGA.
Xafladda, oo sidoo kale ay ka khudbeeyeen masuulliyiin kale oo ka tirsan Bahda Waxbarashada iyo ururrada kale ee bulshada ee Gobolka, oo ay ka mid yihiin Abwaan Shariif Maxamed Geeddi, Abwaan Cali Axmed Maxamed (Cali-duulduul), Abwaan Cabdullaahi Axmed Cilmi (Dalab), Macallimad Luul Axmed Cismaan iyo Xabiibo Maxamuud Oreey, ayaa waxaa gabayo aad u xeel-dheer oo ay aad ugu bogeen ka-qayb-galayaashu halkaasi ka soo kala jeediyay Abwaan Cali Axmed Xasan (Cali shan iyo tobon) iyo Abwaan Shariif Cumar Xasan.
Waxaa Diyariyay: Abwaan Calideeq Maxamed Xaashi