Bulsho kasta waxay leedahay luqad ay ku wada xiriirto, welibana ay isku fahanto. Sanad kasta waxaa dunida laga xusaa maalinta afka hooyo, oo ku beegan 21 Febaraayo. Maamuuska maalintan waa mid dhiirrigelinaya wacyigelinta la xiriirta muhiimmadda afka hooyo.
Haddaba, habeenkiii ay taariikhda ku beegneyd 22/2/2025, ayaa lagu qabtay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska xaflad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo. Xafladdan waxaa soo abaabulay ururka HADHSO, waxaana ka soo qayb galay xubnaha kala duwan ee jaalliyadda Soomaalida, sida ragga, dumarka iyo dhallinyarada.
Ugu horrayn, waxaa xafladda lagu maamuusay inuu furo guddoomiyaha Akademiya Goboleedka af Soomaaliga (AGA) macallin Saciid Saalax, wuxuuna uga qayb galay dhanka qadka hawada. Guddoomiyaha AGA macallin Saciid Saalax wuxuu si tifaftiran uga warbixiyay taariikhda xuska maalinta afka hooyo. Guddoomiye Macallin Saciid wuxuu tilmaamay in muhiimadda afka hooyo lagu xuso dad dhiiggooda iyo naftooda u huray afkooda.
Mar uu ka hadlayay AGA , Guddoomiye macallin Saciid Saalax wuxuu caddeeyay in Howloqoorsheedka AGA yihiin kuwa waxtar u leh daryeelka iyo horumarinta afka hooyo. Wuxuu ku baaqay guddoomiyaha AGA macallin Saciid Saalax in qof kasta hiilka iyo mahuraanka afka hooyo ka qayb galo.
Waxaa isna xafladda hadal soo dhaweyn iyo ururka HADHSO la xirrira ka soo jeediyay guddoomiyaha ururka HADHSO Axmed Dhagaxtuur. Guddoomiye Axmed wuxuu sheegay in ururka HADHSO loo abuuray horumarinta hiddaha, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxaa iyana xafladda ka hadashay hooyo Sahra, oo tilmaantay dowrka waalidiinta oo ah in caruurta lagu barbaariyo afkooda hooyo.
Waxaa iyana qaddarin mudan martida xafladda oo kala ahaa Bazi Busuri iyo Xasan Xaaji. Qorayaasha Bazi iyo Xasan waxay falanqayn ku sameeyeen buugaagta ay qoreen ee la xiriira guurka iyo saxaafadda.
Waxaa isna ka hadlay xafladda Mr Mike Phipps, oo bare ka ah dugsiyada magaalada Bristol. Mr Mike wuxuu la wadaagay jaalliyadda maahmaahyada af Soomaaliga, isagoo ku hadlaya af Soomaaliga. Waxaa jirta in xafladda laga soo jeediyay weydiimo la xiriira afka iyo AGA , waxaana weydiimahaas ka jawaabay wakiilka AGA ee dalka Ingiriiska Prof. Cabdulqaadir Ruumi.
Waxaa xusid mudan in xafladda lagu soo bandhigay nuqullo ka mid ah Warside-xilliyeedka AGA iyo buugaagta taxanaha afka iyo suugaanta Soomaalida ee AGA. Barnaamijku wuxuu ku soo dhammaaday jawi xiiso leh, waxaana barnaamijka xiriirinayay Cabdi Cumar iyo Cabdul.