Maalinnimadii Sabtiga aheyd oo ku beegneyd 10/6/2023, ayaa magaalada Borlänge waxaa ka qabsoomay, bandhig buugeed si gaar ah loogu martiqaaday, bahda Laashin. Wuxuu ahaa BANDHIG BUUGEED billow ku ahaa magaaladaas iyo guud ahaanba waddankaan Iswiidhan (Sweden) oo aynan Soomaalida ku nooli ku qaban Bandhig-buugeed, sannadle ah.

Haddaba, bandhig buugeedkaas lagu iba furay bahda LAASHIN ayaa joogto noqon doona sida ay ballanqaadeen jaaliyadihii Soomaaliyeed ee qabanqaabada iyo isku dubba ridkaba lahaa.

Waxa kale oo bandhig buugeedka soo bilay qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaas, taas oo caddeyn u aheyd inay magaalada Borlänge tahay, magaalo ay hal dhinac isula jeedaan Soomaalida deggan isku danna ay yihiin. Xaqiiqdii, waxa deggan Soomaali isku xiran, isku dan ah dhinacna isula jeedda, waana filayaa inay Soomaalida kale ku dayan doonaan. Waa magaalo Eebbe makaniyay hoggaamiyayaal iyo hagayaal Soomaaliyeed taas oo ay baro dheeraadeen Soomaalida kale ee waddanka Sweden kula nool.

Mowduucyo kala duwan oo Afka, Dhaqanka, Suugaanta, Siyaasadda, Aqriska, Qoraalka iyo guud ahaan hagaajinta hab-dhaqanka bulshada ku saaban ayaa madal-buugeedka lagu wadaagay. Sidoo kale buugta LAASHIN ee madasha taxanaha noqon doona lagu iba furay ayaa aad loo falanqeeyay, taas oo ugu dambeyn sabab u noqotay; in qof walba oo madasha joogay oo dhowr buug hore usii qaato.

Gebagebo

Ugu dambeyn marti sharafkii bandhigga soo xaadiray, qorayaashii lagu casuumay, hal-aqoonka, haldoorka iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda ee magaalada waxa casho sharaf iyo sagootin u sameeyay ururka dhallinyarada ee magacooda loo soo gaabiyo: H.G. HOPE GUIDEN AB oo uu horkacayay guddoomiyaha madashaas Cabdifitaax Qaliif.

AFKAAGU WAA AQOONSIGAAGA.

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”