Munaasabad lagu maamuusayay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, ayna soo abaabushay Jaamacadda Badda Cas oo kaashanaysa Jaamacadda Boosaaso iyo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa 21/2/2021 waxa ay ka qabsoontey magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Xafladdaasi oo qeyb ka aheyd munaasabaddo badan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuulyiin kala duwan, maamulka jaamacaddaha Badda Cas iyo Boosaaso, macalimiin, ardayda jaamacaddahaasi iyo marti sharaf kale.
Cabdiqani Cartan Geelle iyo Maxamed Raage Bile, oo ah aqoonyahanno ku xeel-dheer AfSoomaaliga, dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida ayaa ka hadlay hodontinimada afka Soomaaliga, waxaana ay sheegeen in afka Soomaaligu uu yahay astaan u gaar ah oo lagu garto ummadda Soomaaliyeed , iyaga oo ku baaqay in qof kasta uu qeyb ka qaato ilaalinta iyo hiilka afka hooyo.
Guddoomiyaha Jaamacadda Proff. Cabdullaahi Sheekh Xasan oo soo xiray munaasabadda ayaa ku booriyay Ardayda iyo maamulka Jaamacadda in la weyneeyo xuska maalintan, isla markaasna sannad walba xuskan oo kale la sameeyo.
Xafladdii lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo ee ka dhacday magaalada boosaaso ayaa waxa ay ku soo gaba-gabowday si guul ah.
Xafiiska xiriirka guud iyo warfaafinta















