Bandhig aad u ballaaran oo loogu talagalay daahfurka buugagata kala ah “KULA LIHI iyo LAABTA KA SOCO” ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahanno, qorayaal, abwaanno iyo marti sharaf kale ayaa 14/7/2024, waxaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Ugu horeyn, waxaa madashaasi aayadaha quraanka kariimka ah ku furey Shiikh Xasan Booliis,waxaana ku xigay qoraa iyo suugaanyahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo ka warbixiyay, kuna taagtaagsaday faa’iidada qoraalka. Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadashay Shukri Fiican oo si kooban uga hadashay faa’iidada uu leeyahay akhriska iyo sida uu maanka u quudiyo.
Wakiilka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee dalka Ingiriiska Prof. C/qaadir Ruumi oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay cinwaanka ‘LAABTA KA SOCO” inuu leeyahay qiime macneed (Semantic value). Sidoo kale, wuxuu iftiimiyay weerta ‘LAABTA KA SOCO” inay xiriir la leedahay mowduucyo kala duwan, sida jacaylka, cilmi-afeedka iyo cilmi nafsigaba.
Wakiilka AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay buugaagta lagu soo bandhigay magaalada Birmingham (UK), inay yihiin kuwo waxtar badan u leh ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilka soo korayo, isagoo halkaasi uga mahadnaqay qoraha buugaagtaasi Dr. Xuseen Wadaad.
Gabagabadii bandhigaasi, waxaa ka hadlay qoraa Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo dulmar guud ku sameeyay.nuxurka iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin buugaagtaasi, wuxuuna is dultaagay sababaha ku dhaliyay qoraalka buugaagtaasi, isagoo ugu dambayntii u mahadceliyay bulshada reer Birmingham (UK), ee sida diirran ugu dhaweeyay magaaladooda.
Hory ayaa buugaagtaasi loogu soo bandhigay magaalooyin kala duwan, hase yeeshee waa markii ugu horeysay ee dalka Ingiriiska lagu soo bandhiggo buugaagtaasi qiimaha badan.