Waxaa shalay oo ku beegneyd 22/10/2022 lagu qabtay xarunta dhallinyarada ee magaalada Birmingham ee dalka Britain xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska sanadguurada 50aad ee qoraalkii farteenna hooyo. Kulanka waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee jaalliyadda Soomaalida.

Waxaa xafladda laga soo jeediyay mowduucyo kala duwan ee la xiriira afkeenna hooyo, cilmi nafsiga iyo cilmiga IT. Mowduucyada waxaa lagu soo gudbiyay af Soomaali iyo af Ingiriis. Dr Sucaad Ducaale oo ah khabiir ku xeeldheer cilmi-nafsiga ayaa soo jeedisay mowduuc la xiriira  dareenka, haybta iyo afka.

Dr Sucaad waxay sheegtay in aadan caddayn karin haybtaada, haddii aadan ka jawaabi karin  “yaad tahay”. Waxay Dr Sucaad tilmaantay in sanadaha u dhaxeeya 12-18 dhallinyaradau ku fekeraan inay raacaan, ama ka mid noqdaan kooxaha fiican ama xun. Dr Sucaad waxay kula talisay waalidiinta inay caruurtooda baraan afkooda hooyo, waayo haybta waxaa sameeya siday u fekerayaan aabbe iyo hooyo.

Cabdullaahi Guuleed oo ah aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga IT, ayaa isna soo jeediyay mowduuc la xiriiray af Soomaaliga iyo ka barashada aaladaha casriga ah. Cabdullaahi wuxuu sheegay in aaladaha Android iyo IPhone Apps laga baran karo af Soomaaliga. Wuxuu Cabdullaahi tilmaamay in dhallinyaradau jeebka ku sitaan macallin ay ka baran karaan afkooda hooyo. Ibraahim Xersi waa  wiil 21 jir ah, wuxuuna ku gabyaa af Soomaali iyo af Ingiriis. Ibraahim wuxuu xafladda ka tiriyay gabay uu uga hadlayay silsiladdii gabayada ee siinleeyda.

Dhanka kale, waxaa iyana xafladda ka hadlay Muumin Xuseen iyo Cabdulqaadir Ruumi, waxayna soo jeediyeen muxaadaro la xiriirtay afkeenna hooyo.Waxaan fursad u  helay inaan xafladda ka soo jeediyo hiilka afka hooyo iyo sida loogu baahan yahay in looga wada qayb galo. Kulanku wuxuu ku  dhammaaday jawi xiiso leh, waxaana lagu soo gunnaanaday dood la xiriirta  sidii loogu barbaarin lahaa caruurta jacaylka afkooda hooyo.