Bandhig aad u weyn oo loogu tala-galay Daah-furka sheekada caanka ah ee Maana-faay, ayna qaban-qaabadeeda iska kaashanayaan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Avecinna Academy Birmingham ayaa lagu wadaa maalinta Axadda ah oo ku beegan 8/9/2019 in lagu qabto magaalada Birmingham ee wadanka Ingiriiska.
Munaasabadda bandhiggaasi oo aad loo wada sugayo ayaa marti waxaa ku ah qoraaga buugga Maana-faay ahna Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo qoraaga Axmed Faarax Cali (Idaajaa), waxaana inta uu socdo bandhiggaasi si ballaaran loogu gorfeyn doonaa Qisada Maana-faay oo ah horyaalka sheeko fanneeda Soomalaida.
Akhristayaal aad u badan oo jecel sheekada Maana-faay ayaa lagu wadaa inay bandhiggaasi ka qeyb galaan, horey ayaa Maana-faay-da cusub loogu soo bandhiggay magaalooyinka Bristol, London, Gottenburg iyo Muqdisho.
Buugga Maana-faay waa hormuudka sheekooyinka ku qoran afka hooyo, waa sheeko fanneed aan akhriskeeda laga dhargeyn, Maana-faay waa qisadii ugu faafida badneyd uguna caansan sheekooyinka Soomaaliyeed.
#Ha_Moogaan!














