Waxaa xalay oo ku beegneyd 25/2/2023,lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Britain kulan lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo. Kulankan waxaa loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed ee deggan  magaalada Birmingham. Waxaa kulanka lagu soo bandhigay mowduucyo la xiriira taariikhda, suugaanta iyo afkeenna hooyo. Mowduucyada waxaa lagu soo gudbiyay afkeenna hooyo iyo af English.

Ugu horrayn, waxaa kulanka eray soo dhaweyn iyo guubaabo ah ka soo jeediyay Cabdulqaadir Ruumi, oo ka mid ah guddigii soo abaabulay kulanka. Kulanka waxaa xiriirinaysay Khadra Xersi, oo ah macallimad aqoon Iyo xirfad u leh waxbarashada dhallinyarada. Ibraahim Xersi waa wiil 21 jir ah, wuxuuna kulanka ka tiriyay gabay uu curiyay. Hodan Xasan  ayaa iyana ku soo  bandhigtay kulanka cayaarta Kahoot Game, oo loogu talagalay inay ku tartamaan dhallinyarada.

Ujeeddada Kahoot Game waxay ahayd in lagu ogaado siday dhallinyaradu u kala  saari karaan erayada leh shaqallada gaaban iyo kuwa dheer. Muumin Xuseen ayaa isna kulanka ku soo bandhigay weydiimo la xiriira erayada lammaanaha ah ee afkeennaa hooyo.

Ayaan Aadan waa gabar ka mid ah ardayda jaamacadaha. Ayaan waxay ka sheekeysay booqashadii ay ku  tagtay dalkii hooyo iyo waayo-aragnimadii ay ka soo kororsatay.

Ugu dambayn, Dr Sucaad Ducaale oo ah khabiir ku xeeldheer cilminafsiga ayaa doodwadaag u samaysay dhallinyarada. Dr Sucaad waxay weydiisay dhallinyarada : maxaa kaa dhigaya Soomaali? Dhallinyaradu waxay aad uga doodeen weydiintan, oo ahayd md aad u xiiso badan.