Munaasabad si ballaaran loo soo agaasimay, looguna talagalay furtitaanka shirweynaha waxbarashadda qaranka, ayna soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ayaa 13/3/2023, waxa uu si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirweynahaan oo socon doono muddo shan maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalayo  xubno ka socda dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, bahda waxbarashada dalka, waalidiin, arday iyo qaar ka mid ah Hay’addaha caalamiga ah ee wasaaradda ka tageera dhanka waxbarashada, iyada oo looga hadli doonao tayaynta waxbarasahada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo daahfuray shirweynahaas ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo qaran oo wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in la shaqaaleysiin doono Toban kun oo macallimiin Soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynha ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka waxbarashada Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo sheegay in shirka lagu soo bandhigi doono daraasaddo iyo aqoon isweydaarsiyo la xariiro sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka..

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ayaa muddooyinkan dambe waxa ay wadday dadaallo ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.