Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa 20/7/2024, wuxuu magaalada Hargeysa si rasmi ah uga daahfuray bandhiggii 17-aad ee buugaagta Hargeysa, kaasi oo socon doono muddo lix maalmood ah.

C/raxmaan Saylici oo ka hadlay munaasabaddii daahfurka bandhigaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qaybgalka bandhigaasi, wuxuuna tilmaamay in bandhigaasi uu qiimo ballaaran ugu fadhiyo Somaliland, isagoo caddeeyay in lagu soo bandhiggi doono taariikhda, dhaqanka iyo suugaanta reer Somaliland.

Guddoomiyaha bandhigga buugagata Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo isna ka hadlay xafladdii furitaanka ayaa sheegay in bandhigaasi ay ka qaybgalayaan aqoonyahanno iyo wufuud ka kala timid qaar ka mid ah waddamada caalamka, waxaana uu caddeeyay inuu martidaasi ku soo dhawaynayo Somaliland, isagoo hoosta ka xarriiqay in bandhigaasi uu ka mid yahay waxyaabaha ay Somaliland ku faanto.

Bandhigaasi oo ka soconaya xarunta dhaqanka ee magaalada Hargysa ayaa sannadkaan waxaa halkudheg looga dhigay wadajir, walaaltinimo iyo is-ahaansho, waxaana maalmaha uu socdo lagu soo bandhiggi doonaa barnaamijyo aad u badan oo la xiriira dhinacyada aqoonta, dhaqanka taariikhda suugaanta, iwm.