Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Dhagax-dhigga xarunta dhaqanka iyo suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye, ayna ka soo qeyb-galeen Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Senatorro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka,Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, madax ka socotay maamulka Degmada, masuuliyiin matalaysay bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa galabta oo ku beegneyd 24/12/2020, waxa ay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Senator Jawaahir Axmad Cilmi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Axmad Shire Falagle iyo Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamad oo munaasabaddi dhagax-dhigaasi ka hadlayay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin oo ay soo dhaweynayaan dhagax-dhigga xaruntaasi, iyaga oo ka sheekeeyay kaalinta ay hadda xaruntu ku jirto iyo booska ay berri buuxin doonto ee isugu jirta aqoon keydin iyo ogaal gudbin ah dhan walba leh.
Masuulyiintaasi oo hadalkooda sii wata ayaa bulshada oo dhan ugu baaqay iyada oo aan loo kala harin in laga wada qayb-qaato dhismaha xaruntaas, iyaga oo tilmaamay in xaruntaasi ay wax badan ku soo kordhin doonto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ummadda reer Galmudug.
Maamulaha xarunta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahadnaqay qabsoomidda dhagax-dhigaasi, isaga oo u hambalyeey guddigii qaban-qaabada ee suurta-galiyay qabsoomida dhagax-dhigaasi.
Munaasabaddii dhagax-dhigaasi ayaa ku dhammaatay jawi habsami leh, iyada oo ka qeybgalayasha oo dhan ay ku faraxasanaayeen dhagax-dhigga xaruntaasi.