Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, ayna si wadajir ah u qaban-qaabiyen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo naadiga Somali Pen oo kaashanaya Wasaaradda Dhaqanka ee dalka Jabuuti ayaa shalay oo ku beegneyd 21/2/2021 waxaa lagu qabtay qasriga dadweynaha ee wadanka Jabuuti.

Munaasabaddii xafladdaasi oo si ballaaran loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno, Safiiirro, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AGA, madaxda Somali Pen, aqoonyahanno, ehelada afka iyo dhaqanka, qorayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabaddaasi.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo khudabad qimo badan ka soo jeediyay munaasabaddaasi ayaa si cilmiyaysan uga hadlay sida uu ku yimid xuska maalinta afka hooyo, waxaana uu caddeeyay in maalintaan ay tahay maalin caalami ah oo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay sannad walba marka la gaaro 21 Febraayo in la xuso maalin u gaar ah Afka Hooyo.

“Xafladda aan halkaan u joogno ka sakow, waxaa kuwo la mid ah ay ka socdaan magaalooyinka Geeska Afrika iyo wadamada ay ku nool yihiin Soomaalida qurbaha ku dhaqan, waxaana xusaskaasi hogaaminaya wakiilada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Somali Pen oo iskaashanaya, sannad walba waxaa caado ah in la qaato hal-ku-dheg midaysan, sidaasi daraadeed waxaa sannadkaan la doortay in la isla qaato “Afkaagu waa Aqoonsigaaga iyo Astaantaada”, kaasi oo gudaha iyo dibadda si isku mid ah looga qaatay” ayuu yir Dr. Afrax oo sheegay intii ay suuxsaneyd Somali Pen in ay hawshaasi calankeeda ay soo wadey Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Guddoomiyaha AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiayay AGA iyo Somali Pen in ay ka go’an tahay daryeelka, ilaalinta iyo hiilka Afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, waxaana uu si mug leh ugu mahad-celiyay Madaxweynaha Jabuuti oo har iyo habeen hiil u ah afka, dhaqanka, aqoonta iyo horumarka bulshada, isaga oo hoosta ka xariiqay iftiinkii 15 sanno ka hor ka siraadmay Jabuuti in aanu marnaba dib u noqon doonin, isla markaana aaney jirin cid celin karta.

Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Dhaqanka Jabuuti Md, Muumin Xasan Barre oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uu wax badan oo aan la iloobi karin uu ka qabtay arimaha afka iyo dhaqanka, waxaana uu tibaaxay in ay taasi marqaati u tahay sida ay Jabuuti xarun ugu noqtay dhaqanka wadamada Bariga Afrika, isaga oo ku cel-celiyay Wasaaradiisu in ay mudnaanta koowaad siinayso horumarinta Afka hooyo.

Madaxweynaha Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaba-gabadii xafladdaasi ka soo jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysay, waxaana uu ugu horeyntii sheegay in uu soo dhaweynayo martida ka qeyb-galaysa xuskaas ee ku taqasustay afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, isaga oo intaasi ku darey in uu ummadda oo dhan uu ugu hambalyeynayo xuska 21 Febraayo oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.

“Afka hooyo waxa uu ka tarjumaa jiritaanka qofka, xaqiiqdana waxaa sharaf ugu filan in lagu magac darey afkii hooyo, afku waa astaanteena, sidaasi daraadeed waa in aan siinaa qiimaha iyo muhiimdda uu leeyahay” ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo ku boorriyay ummadda reer Jabuuti in ay kordhiyaan xoojinta afafkooda hooyo.

 Munaasabaddaasi ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhiggay suugaan kala duwan iyo bandhig buugeed aad u soo jiitay dadkii ka qeyb-galay xafladdaasi, iyada oo gaba-gabadii xafladdaasi abaal-marinno kala duwan lagu guddoonsiiyay dhallinyaro ku tartamayay muhiimada uu leeyahay afka hooyo.