Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray shirweynaha 15-aad ee ururka caalamiga ah ee daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.
Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo soo kabashada qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay inay dowladdu ka go’an tahay, garabistaagga aqoonyahannada iyo cilmibaarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.
“Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsi lahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag shirkan, wuxuu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay inaan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sannadkii 1979-kii ayaa sannadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada shirkan laga soo saaridoona, daraasaddo ku saabsan horumarinta mujtamaca Soomaaliyeed.