Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka Puntland Md, Saciid C/llaahi Deni ayaa shalay oo ku beegneyd 21/6/2021, waxa uu soo saarey wareegto ku saabsan hirgalinta adeegsiga Afka Soomaaliga ee deegaannada Puntland.
Wareegtadaasi oo ku socotay dhammaan Wasaaradaha, Hay’addaha madaxa bannaan iyo Guddoomiyaasha Goboladda iyo Degmooyinka Puntland ayaa lagu farey in ay si buuxda ugu dhaqmaan adeegsiga Afka Soomaaliga, iyada oo loo isticmaalayo qoraalada xafiisyada, boorarka shirarka iyo fariimha loo gudbinayo bulshada.
Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in ay waajib tahay in la dhaqan-galiyo sharciga ilaalinta Afka Soomaaliga.















