Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka Puntland Md, Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta oo ku beegan 23/7/2019 waxa uu magaalada Garoowe  si rasmi ah uga furay carwadii Shanaad ee bandhigga buugaagta Garoowe, taasi oo socon doonto mudoo Seddex maalmood ah.

Madaxweyne Dani  oo ka hadlayay furitaankii carwadaasi ayaa sheegay magaalada Garoowe  inuu ku soo dhaweynayo aqoonyahannada, qorayaasha, hal-abuurrada, cilmi baarayaasha, suuganyahanka Iyo dhammaan  martida ka kala timid Gobollada fog f-og ee dalka,  si ay hibadooda ugu biiriyaan bandhigga buugaagta Garoowe, isaga oo caddeeyay inuu ku farxsan yahay  in la isku xilqaamo ilaalinta afka, dhaqanka iyo hiddaha ummadda Soomaaliyeed.

“Waa muhiim  in wax la qoro, qoraaguna waxaa waajib ku ah inuu  noqdaa mid dhex-dhexaad ah oo aan lex-jeclo Deegaan iyo mid Qabiil ka muuqan, waxaana soo jeedinayaa  In  la akhristo lana iibsado buugaagta, si loo  dhiirigeliyo qorayaasha” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo iftiimiyay  ummad kasta oo horumartay inay ku aflaxday aqoon, akhris iyo qoraal.

Furitaankii munaasabaddaasi ka dib, waxaa halkaasi ka bilowday dooddii ugu horreysay ee bandhigga, dood cilmiyeedkaasi oo ku saabsneyd  “Dawrka AfSoomaaligu ka qaadan karo Horumarinta Waxbarashada” ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamad Daahir Afrax,  Prof Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiyada  iyo aqoonyahannada kala ah  Dr. Ibraahim Cajaa’ib iyo  Eng. Cabdifitaax Cabdullaahi Muuse, dooddaasi oo aad u xiisa badneyd ayaa waxaa xiriirinayay Xoosh Docol Curdan.

Carwadaan oo noqonaysa middii Shanaad ee Garoowe lagu qabto ayaa waxay ka mid tahay bandhigyada kala duwan ee sannad kasta lagu kala qabto magaalooyin ka mid ah wadanka Soomaaliya.