Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo ku beegan 7/7/2019 waxa uu magaalada kismaanyo si rasmi ah uga furay carwadii seddexaad ee loogu talagalay Bandhigga Buuggaagta Kismaanyo “Kismayo Book Fair”.

Munasabaddii furitaanka carwadaasi ayaa khudbad uu halkaasi ka soo jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu kaga hadlay arimo la xiriira dhinacyada akhriska, qoraalka, hal-abuurka, dhaqanka, suugaanta, waxbarashada iyo aqoon faafinta, waxaana uu sheegay Soomaaliya inay mareyso meel wanaagsan marka loo eego dhanka waxbarashada, akhriska iyo qoraalka, isaga oo bogaadiyay qof kasta oo ku hawlan kobcinta aqoonta Soomaalida.

“Qorshaha waxaa inoogu jiro, si uu maamulkaygu u dhiiri-galiyo dhaqanka wanaagsan ee akhriska, qoraalka iyo waxbarashada inaan magaalada Kismaanyo ka dhisno Maktabad cusub ” ayuu yiri Axmed Madoobe oo hoosta ka xariiqay inuu ku boorinayo qoraayaasha iyo qalinleyda Soomaaliyeed inay ku dhiirradaan sidii ay wax ugu qori lahaayeen Afkooda Hooyo.

Madaxweynaha Jubbaland ka hor, waxaa madashaasi ka hadlay Guddoomiyaha carwada buuggaagta Kismaanyo Maxamed Jeyta Cali oo ka sheekeeyay dadaalka ay u soo galeen qabsoomida carwadaasi, waxaana uu caddeeyay inuu ku faraxsan yahay sida quruxda badan ee looga soo qeyb-galay bandhiggaasi, isaga oo ka qeyb-galyaasha u rajeeyay inay wax badan kala faa’iidaysan doonaan.

Sidoo kale waxaa furitaankii bandhiggaasi isna ka hadlay Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee ka qeyb-galaysa bandhiggaasi, Ustaad Mustafa oo ku hadlayay magaca martida ka qeyb-galaysa carwadaasi ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo Madasha Maan-kulan oo sannadkii Saddexaad hirgalisay inay qabato bandhiggaasi.

Munaasabaddii furitaanka kadib, waxaa halkaasi ka bilowday dooddii Koowaad ee Cinwaankeedu uu ahaa Tayeynta Hal-abuurka, Waxaana dooddaasi ka qayb-qaatay Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ( AGA), Sahra Kooshin oo ah xubin u dhaq-dhaaqda xuquuqda dumarka, Axmed Xasan oo ah Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada Jubbaland iyo Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo ah Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, waxaana dooddaasi xiriirinayay Maxamed Xassan Cirro oo ka mid ah qalinleyda Soomaaliyeed.

Carwadaasi oo ah mid aad loo xiisaynayo ayaa socon doonta inta u dhaxeysa 7, 8 iyo 9 Luulyo 2019, waana markii 3-aad ee carwadaasi lagu qabto magaalada Kismaanyo.