Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan soo xiray shirweynihii lixaad ee Somali PEN ayaa sheegay inuu had iyo goor hiil u yahay nooleynta afka, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.
“Afka Soomaaliga waa af qani ah, waxaana loo qorey sidii afka loo horumarin lahaa, isla markaana loogu shaqeyn lahaa” ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo caddeeyay haddii aan afka Soomaaliga loo hiilin inuu dayac la soo gudboonaanayo.
Madaxweyne Geelle ayaa ka digay in lagu cayaaro qoraalka farta Soomaaliga, waxaana uu soo jeediyay in la ilaaliyo shaqallada iyo xarfaha laba laabma ee afka Soomaaliga, isaga oo balan-qaaday inay ka go’an tahay sidii loo xajin lahaa hodontinimada afka Soomaaliga.














