Xaflad si qurux badan loo agaasimay, laguna maamuusayay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen naadiyada Somali Pen iyo Canfar Pen ayaa 2o/2/2020, waxaa lagu qabtay xarunta guriga ummadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Munaasabaddaas oo si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro, Xildhibaanno, Safiirro, aqoonyahanno, xeeldheerayaal ku taqasusay afka iyo hal-abuurkiisa, qorayaal, fannaaniin iyo marti sharaf aad u badan.
Guddoomiyaha naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen) Xaaji Ismaaciil Xuseen Taani oo ugu horeyntii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la joogteeyo weyneynta afka hooyo, balse aan lagu koobin hal munaasabad oo kaliya, waxaana uu tilmaamay in Jabuuti ay saldhig u tahay xoojinta afka hooyo, isaga oo xusay maalmihii la soo dhaafay inay Somali Pen ka wadey dalka Jabuuti dooddo ku saabsan sida ugu haboon ee loo horumarin karo afka hooyo.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Islaamka iyo Dhaqanka dalka Jabuuti Muumin Xasan Barre oo isna xafladasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xuska sannadkaan ay soo wada qaban-qaabiyeen naadiyada Somali Pen iyo Canfar Pen, waxaana uu tilmamaay in reer Jabuuti ay u heellan yihin illaalinta afafkooda hooyo, isaga soo jeediyay in xil gaar ah la iska saaro adkeynta afka hooyo.
Madaxweynah Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo munaaabaddaasi soo xiray ayaa sheegay inuu marka hore ugu hambalyeeynayo ummaddaha caalamka, gaar ahaan ummadda reer Jabuuti maalinta afka hooyo, waxaana caddeeyay inuu ku faraxsan yahay sida dib boorka looga jafay naadiyada Somali Pen iyo Canfar Pen, isaga oo ku cel-celiyay inuu soo dhaweynayo hawlaha ay hayaan naadiyadaasi.
“Afka sidiisaba qiimo weyn ayuu u leeyahay ummadda u dhalatey, afku waa astaanta jiritaankeena, waa aqoon-sidaha iyo muftaaxa aqoonteena, waa aallada kaliya ee suurta galisa in la is-fahmo, waa xariga qura ee xajin kara isirka iyo aqoonsiga ummaddnimo” ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo iftiimiyay haddii uu ummaddi afkeedu lumo inay noqonayso ummad aan jirin.
Madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dheeraadey ka sheekaynta sida ay ku timid xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxaana uu ku nuux-nuuxsadey afaf badan oo caalamka ka jira inay sii dhimanyaan, halka kuwa kalana ay ku soo fool leedahay khatar ku aadan inay dabar go’aan, isaga oo ugu dambayntii balanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa afka hooyo.
Xafladaasi oo aad loola dhacay ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhiggay cayaaro iyo suugaan ka tarjumaysay qiimaha uu leeyahay afka hooyo.














