Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumad Cagjar ayaa amar lagu xoojinayo qoraalka farta Soomaaliga ka soo saaray magaalada Jigjiga.
Mustafe Cagjar ayaa ku amray ganacsatada deegaanka Soomaalida in boorarka xarumahooda ganacsiga ay ku qoraan farta Soomaaliga, ayna ka bedelaan lahjadaha kale ee looga hadlo Itoobiya.
“Waxay Xukuumaddu isla qaadatay iyadoo kaashanaysa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska deegaanka, in go’aan adag laga soo saaray boorarka lagu dhajiyo meheradaha ganacsiga iyo suuqyada dhamaan deegaanka Somalida” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa u qabtay ganacsatada muddo kama dambeys ah oo ay ku fuliyaan amarkan.
“Cid kasta oo horay ugu qortay afaf qalaad boorarka goobahooda ganacsiga waxaa loo mudeeyay muddo 45 cisho ah inay ku bedelaan, isla markaana ku qoraan farta Soomaaliga ayna ka dhigaan luqada koowaad, sidoo kale cid kaste goobteeda Waa u xor in hoosta ay ku qoraan karaan afafka kale, laakiin afka Soomaaligu yahay Luqadda 1aad” ayuu yiri Madaxweynaha.
Talaabadan lagu xoojinayo a qoraalka farta Soomaaliga ayaa qeyb ka ah isbedelada waa-weyn ee uu deegaanka Soomaalida Itoobiya ka sameeyey Madaxweyne Cagjar tan iyo markii xilka la wareegay, isagoo horeyna u bedelay calanka maamulkiisa oo haatan qeyb ka mid ah lagu soo daray calanka Soomaalida ee buluuga ah, dhexdana ku leh xiddigta shanta gees leh.















