Magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa 27/6/2024, waxaa si rasmi ah uga furmay bandhiggii buugaagta ee “Jigjiga International Book Fair”.

Madashii furitaanka bandhigaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, Wasiirro ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida, aqoonyahanno, xeeldheerayaal afeed, qorayaal iyo marti sharaf aad u badan oo lagu casuumay munaasabaddii furitaanka bandhigaasi.

Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo daahfuray bandhigaasi ayaa sheegay inuu si aad ugu faraxsan yahay inay Jigjiga martigaliso bandhig caalami ah, wuxuuna caddeeyay inuu si kal iyo laab ah uu ugu soo dhaweynayo dawlad deegaanka Soomaalida dhammaan aqoonyahanka ka qaybgalayo bandhigaasi, isagoo u rajeeyay bandhigaasi inay ka soo baxaan wax bulshada anfaca.

Qaar ka mid ah Wasiiradii ka socday dawlad deegaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa iftiimayay inay aqoonyahanka, dhallinyarada  iyo bahda qoraalka ay ku dhiirrigilinayaan inay wax qoraan, iyagoo dhanka kale tilmamaay inuu bandhigaasi ka qaybqaadanayo soo noolaynta dhaqanka iyo afka ummadda Soomaaliyeed.

Bandhigaasi oo soocon doomo muddo seddex maalmood ah ayaa noqonayo markii labaad ee Jigjiga lagu qabto bandhig noocaan oo kale ah.