Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 5/6/2021 waxay kulan muhiim ah la yeesheen madaxda haya’dda Turkish Ma’arif Foundation qaybteeda Soomaaliya oo uu hormuud u ahaa Maareeyaha haya’ddaas, Mudane Ihsan Cerrah.

Kulankaas oo ka dhacay xarunta ay magaalada Muqdisho ku leedahay Ma’arif Foundation, oo ah haya’d weyn oo ka shaqaysa arrimaha waxbarashada iyo guud ahaan aqoon-faafinta, waxaa guddoomiyaha iyo wafdigiisa si diirran ugu soo dhaweeyey Maareeye Cerrah.

Kadibna Guddoomiye Afrax ayaa magaca AGA wuxuu Ma’arif Foundation oo uu matalayey Maareeyaheeda, Ihsan Cerrah, wuxuu guddoonsiiyey Shahaado-sharaf ay ku qoran tahay in ay ku mutaysatay taageerada ay haya’ddaasi AGA ugu deeqday xafiis ku-meel-gaar ah oo ay ku shqayso inta laga dhisayo xarunteeda rasmiga ah.

Intaaska dib waxaa la guda galay wada-xaajoodkii ay labada dhinac kaga wada-hadlayeen iskaashiga kadhexeeya.

Guddoomiyaha AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax, ugu horrayntii waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Xarunta Ma’aarif Foundation iyo guddoonsiinta shahaado-sharafta, taas oo uu sheegay in ay astaan u tahay abaalka AGA u hayso, Ma’arif iyo qiimaynta sare ee ay qaddarinayso dadaalka weyn ee ay ugu jirto horumarinta aqoonta iyo waxbaridda da’yarta Soomaaliyeed.

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashiga labada haya’dood, kaas oo qayb ka ah iskaashiga baaxadda weyn ee ka dhexeeya Somaaliya iyo Turkiga. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in sida uu u xooggan yahay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga si la mid ah loo xoojiyo iskaashiga dhinaca afka iyo dhaqanka.

“Waxaan u baahan nahay inaan wax badan ka baranno khibraddiinna hodanka ah” ayuu yiri Dr. Afrax “sidoo kalena waxaan diyaar u nahay inaan gacan idinka siinno wax kasta oo awoodayada ah” ayuu intaasi raaciyay.

Maareeyaha hay’adda Turkish Ma’arif, Ihsan Cerrah, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in AGA hawlo muhiim ah u hayso ummadda Soomaaliyeed, wuxuu ku nuux-nuuxsaday in ay ka go’an tahay garab-istaaga Akadeemiye-Goboleedka, isaga oo balanqaaday  in uu u hawl-gali doono sidii ay wada-shaqeyn u yeelan lahaayeen AGA iyo xarumha waxbarshada, afka iyo dhaqanka eeTurkiga.

Ihsan Cerrah oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dad Turki ah oo yaqaanno afka Soomaaliga, waxaana uu tibaaxay in ay diyaar la yihiin fasaladii lagu baran lahaa afka Soomaaliga iyo agabkii fududeyn lahaa waxbarashadaasi, isaga oo dhinaca kale balanqaaday in uu ka shaqeyn doono sidii jaamacadahaTurkiga ay afka Soomaaliga ugu dari lahaayeen luqadaha lagu barto jaamacadahaas, kaas oo ahaa qodobka mid ahaa soojeedintii Dr. Afrax.

Gaba-gabadii kulankaas waxa ay labada dhinac isla garteen in ay kala qortaan heshiis wada-shaqayn (MoU) qeexaya fulinta qoddobadii la isla meel dhigay.