Masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga (AGA) ee Qaaradda Yurub ayaa maanta oo ku beegan 22/8/2019 waxa ay soo booqdeen Xarunta Dhexe ee Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.
Xubnaha wafdigaasi oo uu hogaaminayay Wakiilka AGA ee Qaaradda Yurub Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon ayaa waxaa ka mid ahaa Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) iyo Marwo Seynab Daahir oo ka mid ah masuulyiinta AGA ee dalka Ingiriiska.
Wafidgaan ayaa Xarunta Dhexe ee Akadeemiyada waxa ku soo dhaweeyay hawl-wadeennnada AGA ee Xafiiska Muqdisho, kulan ku saabsan isbarasho iyo kala war qaadasho ayay labada dhinac halkaasi ku yeesheen.
Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda AGA ee Xarunta Dhexe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wafdigaasi ku soo dhaweeynayaan magaalada Muqdisho, waxaana uu si kooban uga warramay hawlaha baaxadda leh ee ay qabato Xarunta Dhexe, isaga oo wafdigaasi uga mahad-celiyay booqashada ay ku yimaadeen Xafiiska Akadeemiyada ee Muqdisho.
Wakiillada AGA Qaaradda Yuurb oo iyaguna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Xafiiska Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho, waxaana ay si gooni gooni ah uga hadleen shaqooyinka ay hayaan Laamaha Akadeemiyada ee Qaaradda Yurub, iyaga oo dhanka kale bogaadiyay hawlaha baaxadda weyn ee ka socda Xarunta Dhexe ee AGA.















