Munaasabad lagu maamuusayay bandhigga buug cusub oo laga qorey Dr. Maxamed Yaasiin Daahir (Dr. Boob), ayna ka soo qeyb-galeen masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada Gobolka Bari ayaa 3/4/2021 waxaa lagu qabtay Hotel Gacayte ee magaalada Boosaaso.

Hadal uu munaasabaddaasi ka soo jeediyay Madaxa Teknoolajiyadda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Eng. Axmed Faarax (Caaqilka) ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo daahfurka loo sameeyay buugga cusub ee laga qorey Allaha u naxariistee taariikh nololeedkii Dr. Maxamed Yaasiin Daahir (Dr Boob), waxaana uu si wadajir ah u bogaadiyay qoraaga buugaasi iyo naadiga akhrika iyo qoraalka ee Boosaaso oo soo qaban-qaabiyay Bandhigga Buugaasi.

Eng. Axmed Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa la wadaagay ka qeyb-galayashii bandhiggaasi taariikhda, waxqabadka iyo shaqooyinka ay qabato Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, isaga oo hoosta ka xariiqay in waajibaadka AGA uu ka mid yahay “hiilka iyo kobcinta afka Soomaaliga”, isaga oo bulshada reer Boosaaso ku boorriyay inay kaalintooda ka qaataan daryeelka iyo nooleynta afkeena hooyo.

Qaar ka mid ah aqoonyahannadii, waxgaradkii iyo dhallinyaradii bandhiggaasi ka soo qeyb-gashay ayaa soo dhaweeyay buugga laga qorey Dr. Maxamed Yaasiin Daahir (Dr. Boob), waxaana ay qireen Dr. Boob in uu ahaa halyay ummadeed oo taariikhda xusi doonto, iyaga oo dhanka kale u mahad-celiyay qoraha buuggaasi Maxamed Xirsi Rooble.

Gaba-gabadii munaasabaddaasi ayaa Madaxda Teknoolajiyadda AGA waxaa uu halkaasi ku guddoonsiiyay nuqullo ka mid ah Warsidaha AGA qoraaga buugga iyo naadiga akhriska iyo qoraalka ee magaalada Boosaaso.