Shirkii ereybixinta teknolajiyada af Soomaaliga, oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Boostada iyo Teknolajiyada ayaa 19/09/2024, waxaa diiradda lagu saaray doodwadareed (Panel Discussion), ku saabsan ereybixinta teknolajiyada af Soomaaliga.

Doodcilmiyeedkaas oo aad u xiisa badnaa, Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga waxaa uga qaybgalay madaxa ereybxinta iyo tarjumida AGA, Cabdiweli Maxamed Shiikh Cumar (Shariif). Ugu horreyntii, wuxuu ka hadlay muhiimmadda ay leedahay ereybixinta iyo sida loo sameeyo ereyada cilmiga ah, isagoo caddeeyay inay lama huraantahay in la fahmo waxay ereybixintu tahay.

Cabdiweli Maxamed Shiikh Cumar (Shariif) oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiyay in ereygu uu ka koobanyahay qolfoof/shakli iyo macne/mafhuum, wuxuuna hoosta ka xarriiqay, si ereybixin loo sameeyo inay waajibtahay in la garto macnaha uu xambaarsanyahay ereyga.

Sidoo kale, madaxa ereybxinta iyo tarjumida AGA, wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraac loo baahanyahay in la maro, si ereybixinnada loo sameeyo, wuxuuna ku celceliyay habraacaasi inay ka mid yihiin: sugidda ilaha ereybixinnada laga helo, samaynta ereybixinnada, macluumaadka la xiriira ereybixinnada, sixidda, midaynta iyo in ereybixinnada la geliyo qaamuus gaar ah (Specialized Dictionary).

Shirka ereybixinta teknolajiyada af Soomaaliga ayaa 17/6/2024, wuxuu ka furmay magaalada Muqdisho, wuxuuna socday muddo laba maalin ah, iyadoo uu furay Ra’iisulwasaare Kuxigeenka Soomaaliya Md, Saalax Axmed Jaamac.