Munaasabad si balaaran loo soo agaasimay looguna tala galay Daah-furka buugga la yiraahdo KOORA DADAB, ayna ka soo qeyb galeen madax ka kala socotay Dawladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Naadiyadda Akhriska iyo Qoraalka ayaa 10/5/2018-ka waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiintii ka socotay Akadeemiayda Aga ee munasabadaasi lagu casuumay ayaa waxay isugu jireen Agaasimaha Waaxda Tababbarada ee Akadeemiyada Al-ustaad C/llaahi Sh. Cabdi (Gacanka), Xoghaynta Aga ahna Xisaabiyaha Akadeemiyada Seynab Xaaji Axmed iyo qoraa Dayax Axmed oo ka mid ah La-Taliyaasha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Agaasimaha Tababbarada Aga Md, C/llaahi Gacanka oo ka mid ahaa gorfeeyaashii buugga ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay waxa uu si cilmiyeysan uga war-bixiyay faa’iidada ay leeyihiin buuggaagta, waaxaa uu ku dheeraadey ka sheekaynta qeybaha uu ka kooban yahay buuggaasi gaar ahaan dhinacyada cishqiga, colaada iyo dhaqanka laga baran karo.
C/llaahi Gacanka oo hadalkiisa sii wata aya ku tilmaamay buugga Koora Dadab inuu yahay mid qiima badan leh, waxaana uu qiray in qoraha buuggaasi uu dadaal badan galiyay sidii uu akhristayaashiisa ula wadaagi lahaa buug u qalmo, isagoo dhinaca kale u hambalyeeyay qoraagii buuggaasi.
Madaxdii kale oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihin soo bandhigida buuggaasi, waxaana ay ku cel-celiyeen in buuggaas uu yahay mid wax badan ay bulshada ka kororsan doonto.
Koora Dadab oo ah buug isku dheeli tiran ayaa dad badan waxay aad uga heleen fariinta uu gudbinayo, buuggaasi oo ka kooban qeybo kala duwan ayaa waxaa laga helayaa macluumaad dhaxalgal ah.















