Xaflad lagu maamuusayay Shan sanno guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii bahda Laashin, ayna ka soo qeyb-galeen Xildhibaanno, madax ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya, qaar ka mid ah Guddoomiyasha Degmooyinka G/Banaadir, masuulyiin matalaysay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Golaha abwaannada iyo bahda Akhriska & Qoraalka ayaa 1/9/2019 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle {Wadaad}, ahna masuul ka mid ah aas-aasayaashii Madbacadda iyo Mareegta Laashin oo ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ayaa si cilmiyaysan uga hadlay taariikhda, wax-qabadka iyo himilada ay hiigsanayaan bahda Laashin, waxaana uu caddeeyay in Madbacadda Laashin ay soo saartay 12 buug oo ay qoreen aqoonyahanno Soomaaliyeed, isaga oo dhinaca kale iftiimiyay sida loogu baahan yahay in looga wada qeyb qaato daryeelka iyo hiilka afka hooyo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, la-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada Xuseen Ladane, Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf (Maxamed Yare), Guddoomiyaha Dhallinyarada G/Banaadir Cabdi-kaafi Maxamuud Makaraan, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed, Guddoomiyaha Madasha Kulmiye Al-ustaad Cabdullaahi Mahdi, Agaasimaha Dalxiiska G/Banaadir Cabdi-fitaax Arisona, Agaasimaha Waxbarashada AGA Cabdi-naasir Yuusuf Macallin iyo Guddoomiyaha Naadiga Hillin-hayaan Macallin Cabdulqaadir Axmed {Jubba} oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay bahda Laashin shan sanno guurada ka soo wareegtay unkidii Madabacadda iyo Mareegta Laashin, waxayna hoosta ka xariiqeen inay ku faraxsan yihiin horumarka ay sameeyeen bahda Laashin.

Masuuliyiintaasi ka hor waxaa munasaabaddaasi ka hadlay Wakiilka bahda Laashin ee magaalada Muqdisho Xil-side Cabdi-xafiid Maxamuud Xirsi {Wasiirka} iyo Xasan Mudane oo ka tirsan bahda Laashin, kuwaasi oo ka sheekeeyay dadaalka iyo waxqabadka bahda Laashin ee G/Banaadir, iyaga oo u mahad celiyay madaxda Laashin ee had iyo goor u taagan kor u qaadida adeegyada ay qabato Madbacadda iyo Mareegta Laashin.

Drs. Farax Sheikh Cabdirisaaq iyo Laashin Ibraahim ayaa iyaguna munaasabaddaasi ka soo jeediyay suugaan ka tarjumaysay waxqabadka bahda Laashin, dhinaca kale xafladdaasi waxaa lagu soo bandhiggay buugaagtii ay  ka mid ahaayeen:-  1- Gaso, Ganuun iyo Gasiin, 2-Godob iyo Gallad, 3-Gacal iyo Gayaan, 4-Keymadow, 5-Waayihii Warsame, 6-Bidhaamiye, 7-Noloshii Silooneyd, 8-Nasiibka Nolosha, 9-Hilaadin, 10-Sirta Nolosha , 11-Jamashada Haweenka iyo 12-Riyooyinkii Dahsoonaa, kuwaasi oo dhammaantood ay daabacday Madbacadda Laashin.