Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay daahfurka buugga Gacal iyo Gayaan, ayna ka soo qeybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, maamulka waxbarashada G/Banaadir, madax ka socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, maskax-maal, abwaaanno, qorayaal, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, iyo marti sharaf kale ayaa habeenkii 16/8/2021, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashandhigga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasin oo ka hadlayay munaasabadaasi ayaa sheegay buugga Gacal iyo Gayaan in uu yahay buug si farshaxannimo ah loo qorey, waxaana uu caddeeyay in ay soo jiiteen sheekooyinka dhaqan ee uu buugaasi xambaarsan yahay, isaga oo halkaasi ku iibsadey dhawr buug oo uu ugu deeqay naadayada akhriska iyo qoraalka.

 Madaxa tababbarada Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) C/laahi Shiikh Cabdi (Gacanka), Prof. Maxamed Cilmi Tooxow, & Barre Shiikh Cabdullaahi (Bangaladesh) oo ahaa aqoonyahannadii buugga soo akhriyay ayaa si faahfaahsan uga hadlay nuxurka iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay, waxaana ay qireen in buugga Gacal iyo Gayaan uu yahay buug dhaxal u noqon kara jiilalka dambe ee Soomaaliyeed, iyaga oo qoraha ku ammaanay sida uu buugiisa ugu sooo ururiyay ereyo badan oo ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir Xuseen Muuse Sharaabe, xoghayaha Laashin Ustaad Ibraahim Nolosha, Prof. Yaxye Shiikh Caamir, qoraa Muna Diirshe, qoraa Yaasiin Maaxi, Guddoomiyaha naadiga Xamar iyo masuulyiin kale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalkooda ku aadan bandhigga buugaasi, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay wax badan ka kororsan doonaan buugaasi.

Qoraha buugga Gacal iyo Gayaan oo gunaanadkii munaasabadaasi ka hadlay qoraa/laashin Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal) ayaa si cimliyaysan uga shekeeyay qeybaha uu ka kooban yahay buugiisa, waxaana uu iftiimiyay ujeedadii uu u qorey, isaga oo xafladaasi uga mahadceliyay dhammaan dadkii gacanta ku siiyay soo bandhiggida buugiisa.

Munaasabadaasi oo aad loo jeclaystay ayaa waxa ay ku soo dhammaatay jawi aad u xiisa badan iyo saxiixa qoraaga buugga oo  u saxiixay dad fara badan oo iibsaday iyo qaar uu hadiyad-ahaan u siiyey.