Madax ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Somali Pen ayaa maanta oo ku beegan 6/7/2021, waxa ay ka qeyb-galeen xaflad lagu maamusayay furitaanka Kulliyad cusub oo lagu baranayo taqasusaadka Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa (Somali Language and Literature), taasi oo ay taaba-galisay Jaamacadda Green Hope.
Munaasabaddii furitaanka kulliyaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka kala socotay Akadeemiyada AGA, Somali Pen, Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, maamulka jaamacadda Green Hope iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladaasi.
Hadal aya halkaasi ka soo jeediyeen Xoghayaha Naadiga Somali Pen ee Koonfurta Soomaaliya Md, Axmed Maxamed Dhicisow iyo Ustaad C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ka tirsan hawl-wadeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan daahfurka kulliyadaas lagu baranayo cilmiga Afka Soomaaliga, iyaga oo ku bogaadiyay Jaamacadda Green Hope in ay noqotey Jaamacaddii ugu horeysey ee dalka ka hirgelisa kulliyad noocaasi ah.
“Afka Soomaaliga waa hodon, waxaana ka buuxa cilmi badan oo loo baahan yahay in la barto qeybahiisa kala duwan, waxaana kula dar-daarmaynaa ardayda Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan kulliyadaan cusub ee ku soo biirtay kulliyadihii kala duwanaa ee jaamacadda Green Hope” ayay yiraahdeen madaxdaasi oo caddeeyay in ay ku faraxsan yihiin in wadanka laga hirgeliso kulliyad lagu baranayo Afka Soomaaliga,
Munaasabadaasi waxaa iyaguna ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Green Hope Prof. Xuseen Tooxow Faarax iyo maamulaha jaamacaddaas Prof. Mustaf Macallin Cabdulle, kuwaasi oo si faahfaahsan uga hadlay sababaha ku kalifey daahfurka kulliyadaas cusub, iyaga oo iftiimiyay in ay kulliyadaasi fureen kadib markii codsiyo fara badan ay uga yimaadeen bulshada Soomaaliyeed oo baahi weyn u qabto barashada afkooda hooyo.















