Madashii horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee (AGA) oo bishiiba hal mar la qabto ayaa xalay oo ku beegneyd 7/8/2021, waxa ay ka qabsoontay aaladda fogaan aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka.
Madashaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dhiggiisu yahay “Suugaanta Beeraleyda iyo Kaalinteeda Nolasha Bulshada” waxaana ka soo qeyb-galay Xildhibaanno, madaxda iyo maqaawiirta AGA, xeel dheerayaal ku taqasusay afka, dhaqanka iyo suugaanta, macallimiin, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo jecel horumarinta afka Soomaaliga.
Furitaankii madashaasi waxaa hadal kooban oo isugu jirey soo dhaweyn iyo sharaxaad ku saabsan madasha AGA halkaasi ka soo jeediyay La-taliyaha sare ee Guddoomiyaha Akadeemiyada Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus, waxaana uu hordhac wanaagsan ka bixiyay madashii xalay oo ku saabsaneyd suugaanta beeraleyda.
Intaas ka dib, Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaa xeeldheerayaashii madashaasi soo jeedinayay ayaa lagu soo dhaweeyay cod-baahiyaha, waxaana uu si qoto dheer uga sheekeeyay muhiimadda ay leedahay beertu, waxaana uu caddeeyay in suugaanta beerelayda ay qeyb libaax ka soo qaadatey halgankii SYL, isaga oo intaasi raaciyay in suugaantaasi ay leedahay maah-maahyo, hees hawleed, iwm.
Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed (Tarash) oo isna ka mid ahaa soo jeediyaashii madashaasi ayaa iftiimiyay qaar ka mid ah magacyada qalabka beeraha, waxaana hoosta ka xarriiqay in suugaanta Maayga ay tahay suugaan hodon ah, isaga oo ku luuqeeyay qaar ka mid ah suugaanta caanka ah ee beerelayda.
Abuukar Al-badri oo isna ka mid ahaa xeeldheerayaashii madashaasi lagu casuumay ayaa sheegay in suugaanta Maayga ay saameyn ballaaran ku leedahay deegannada Koonfur Galbeed, waxaana uu qirey suugaantaasi in ay tahay mid aan laga xiiso dhaceyn dhagaysigeeda, isaga oo codsadey in loo hawl galo ururinteeda.
Maqaawiirta kala ah Cabdalla Mansuur, Abwaan Saciid Saalax, C/rashiid Garweyne iyo aqoonyahan Cabdullaahi Shiikh oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa talooyin wax ku ool ku kordhiyay madashaasi.
Mowduucii madashaasi looga hadlayay oo si aad ah loo jecleystay ayaa waxa uu ku soo gaba-gaboobay si milgo iyo sharaf leh.















