Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay qeybaha kala duwan ee aqoonyahanka, waxgaradka iyo dhallinyarada jecel afka, dhaqanka iyo hal-abuurka ay ku martiqaadaysaa in ay kala soo qeyb-galaan Madasha AGA oo qabsoomaysa bisha Janaayo ee sannadka 2021-ka.

Madashan oo aad u xiiso badnaan doonto ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa Mawduuca hal-ku-dheggiisu uu yahay: BARIDDA IYO BARASHADA AFKA HOOYO, gaar ahaan “Baahida loo Qabo ku Baraarujinta Soomaalida”.

Mowduucaas qiimaha badan waxaa soo jeedin doono Xeeldheere Macallin Siciid Saalax,waxaana hagaya Bare Sare Mustafa Fayruus.

Taariikh: 23/01/2021 Habeen Sabti ay Axad soo gelayso

Saacadda: 07:00 – 09:00 fiidnimo (Waqtiga Bariga Afrika)

Goobta: Zoom & Facebook.

Ha moogaan.