Ogeysiis muhiim ah
Waxgaradka ehelka u ah AfSoomaaliga iyo aqoonta ee kala jooga dalka iyo daafaha dunida waxaa lagu martiqaadayaa
Madasha AGA ee bisha Disembar oo kalkan lagu beegay xuska 100-guurada gunaanadkii Halganka Daraawiishta. Munaasabaddaas awgeed mowduuca bishaan la doortay waa:
100 Sano ka dib Halgankii Daraawiishta: Milicsiga Hal-abuurkii Sayidka & Hub-ka-dhigashadiisii Suugaanta. Madashan qiimaha gaar ahaaneed leh, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Somali Pen, hormuudka ka hadli doona waxaa ka mid ah xeeldheereyaasha waaweyn ee kala ah Abwaan Siciid Saalax Axmed (USA), Qoraa Axmed Faarax Cali “Idaajaa” (Kenya), Dr. Maxamed Daahir Afax (Muqdisho), Abwaan Xaashi Cabdillaahi Orrax (Jabuuti), Mw Fardowsa Jaamac Caamir (London) iyo Abwaan Ismaaciil Aw Aadan “Jaajuumow” (Hargeysa). Waxaa xiriirinaya Suxufi Burhaan Axmed Daahir (Garoowe).
Waxaa looga qaybgalayaa aaladda fogaan-aragga ZOOM.
Taariikhda: 19/12/2020 (Sabti)
Saacadda: 7:00 – 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika
Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook TOOS (LIVE)
Waxaad riixaysaa ‘Join Zoom Meeting’ ka dibna link-ga hoose:
Meeting ID: 786 605 0646
Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim