Xoghayaha Guud ee Madasha Af-Carabiga, Dr. Cabdilxamiid Madkuur ayaa shalay xarunta Madashaas ee magaalada Qaahira si diirran ugu soo dhaweeyey Dr. Cabdifataax Nuur Ashkir, Wasiiru-dowlaha Dhaqanka iyo Warfaafinta Puntland, kana tirsan AGA oo halkaas booqasho ku jooga.
Dr. Ashkir wuxuu masuuliinta Madasha Af-Carabiga uga warramay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaalia (AGA) iyo dadaalka ay ugu jirto daryeelka AfSoomaaliga, dhaqanka, hal-abuurka iyo aqoon-faafinta, halka Dr. Madkuurna dhankiisa ka warbixiyey waxqabadka Madasha Af-Carabiga.
Intuu wadahadalku socdey masuuliinta Madasha Af-Carabigu waxay si weyn u bogaadiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo waxqabadkeeda baaxadda weyn, waxayna soo jeediyeen inay labada dhinac yeeshaan iskaashi iyo wada-shaqayn dhow.
Si arrintaas loo hirgaliyo, Xoghayaha Guud ee Madasha Af-Carabiga, Dr. Madkuur wuxuu soo jeediyey in Qaahira lagu martiqaado wafdi rasmi ah oo ka socda AGA, si ay labada haya’dood isu-weydaarsadaan khibradahooda, kadibna ay u kala saxiixdaan heshiis iskaashi (MoU).















