Macallin Siciid Saalax Axmed oo ka tirsan xeel-dheerayaasha afka Soomaaliga, ahna Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Woqooyiga Ameerika oo aaladda fogaan aragga ee loo yaqaano Zoomka uga qeyb-qaadanayay dood cilmiyeed ku saabsanayd “Xaaladda Adeegsiga AfSoomaaliga ee Maamulka iyo Ganacsiga” ayaa si waafi ah uga hadlay muhiimada uu leeyahay afka iyo waxa uu qofka u taro.
Wakiilka Akadeemiyada AGA ee Woqooyiga Ameerika waxa uu si cilmiyaysan uga sheekeeyey sooyaalkii dheeraa ee AfSoomaaliga tan iyo xilligii faraaciinta iyo afka Soomaaligu halka uu ka soo jeedo kuna abtirsado. Wuxuu xusay qoraalkii farta iyo fidinteedii iyo sidii loo Soomaaliyeeyey hawlaha Dawliga iyo darajooyinka ciidamada iyo kuwa madaniga ahba iyo sidoo kale manaahijtii dugsiyada.
“Afka Soomaaligu waxa uu safka hore kaga jiraa Afafka ugu muhiimsan Qaaradda Afrika, xaqiiqdii afka Soomaaligu waa hodon, sidaasi daraadeed ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay afkooda siiyaan kaalinta uu ka mudan yahay, waxaana haboon inuu si weyn uga dhex muuqdo dhinacyada Maamulka, Waxbarashada iyo Ganacsiga” ayuu yiri Macallin Saciid Saalax
Macallinku wuxuu si faah-faahsan uga hadlay burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya kadib sidii afkeena dhaawaca weyn u gaaray, wuxuuna tusaalooyin ka bixiyey sida looga il-duufo marar badan oo weliba maamulladu u hareer maraan. Isaga oo dhinaca kale qiray in xilligaan afka Soomaaligu uu sameeyay kobac weyn, loona baahan yahay in la sii xoojiyo.














