Waxay huwan tahay farshaxannimo faneed aan laga xiise goynayn. Wuxuu qoraagu ku bilay hummaagyo kuu sawiraya dareennada dahsoon iyo loolanka joogtada ah ee ka dhex socda nafta aadanaha. Waxay ku xardhan tahay erayo iyo jilayaal isku haboon, falkinta dhacdooyinkeeda, iyo adeegsiga qurxiyeyaasha hadalka iyo qalabka afka maldahan.
Farshaxannimada ka sokow, qisada Maana-faay waa dawan ka qaylo-dhaaminaya ‘DHIQLAHA MUJTAMACA KU DHEX JIRA’ [b.263] iyo ‘BURBURINTA DA`YARTA IYO DANYARTA’ [b. 283] kana digaya gaabinta iyo gaboodfalka ay bulshada u gaystaan ‘KUWA XUKUNKA IYO XOOLAHA HAYSTA’ [b. 285]
Waxay qaylodhaan ka tahay ‘CUDURRADA BULSHADA’ [b. 296]… si loo badbaadiyo faca soo korayana waxay ku baaqaysaa ‘IN MUJTAMACEENNA OO IDIL LA CARRA-GADDIYO… IN LA DABARGOOYO DHAMMAAN DHAQANNADA GABOOBAY EE HORUMARKA CAQABADDA KU AH IYO KUWA CUSUB EE [AY] KA SOO FUFAYAAN CUDURRADA BULSHADA KU DHEX-FAAFAY’ [b. 296]… Waxay hoosta ka xarriiqaysaa shardiga horumarka iyo gaarista nolol habboon ‘HORUMAR LAMA HIGSAN KARO LA`AANTA BULSHO FAYOW’ [297].
Qisadani waxay ina bartay hibada iyo kartida faneed ee qoraaga Dr. Maxamed Daahir Afrax; xirfaddiisa quusidda iyo hoos ugu dhaadhicidda nafta aadanaha iyo saafidda habnololeedka bulshada iyo cudurrada ku duugan ee naafaynaya, iyo xilkasnimadiisa kaalinta uga furan wacyigelinta bulshada iyo ka digidda aafooyinka wiiqaya.
Qisada Maana-faay waxay soo baxday 1979, dhowr jeer ayaana la daabacay oo ay u dambayso daabacaadda 4aad (2018) oo ah daabacaad cusub, aad loo tifaftiray lana sii qurxiyay.