Dhallinyarada Soomaaliyeed ee xiisaysa akhriska iyo qoraalka ayaa si weyn waxaa u soo jiitay sheekada caan baxday ee Maana-faay, qaar ka mid ah da’yartaas ayaa la arkayay xilli dhawaan sheekadaas lagu soo bandhiggayay magaalada Muqdsho iyaga oo ku mashquulsan akhiriskeeda.
Xubno ka mid ah dhallinta ku mataanaysan Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka ayaa Degalkaan (Website-kaan) u sheegay inay ku farxsan yihiin akhrinta sheekadaas, waxayna caddeeyeen Maana-faay inay tahay sheeko aan “Innaba caadi aheyn”, iyaga oo hoosta ka xariiqay qisadaas inay u qoran tahay hannaan casri ah oo akhriste walba soo jiidan karta.
“Waa sheeko aan akhriyo middii iigu xiisaha badneyd, waxay igu dhalisay hiyi kac la yaab leh, mar waa iga ooysiisay, mar-na waxay igu dhalisay farxad, xaqiiqdii waa buug cajaa’ib badan, kama caajiso akhrintiisa, waqti kasta oo aan fursad helo waa ku laab-laabtaa” ayay tiri Bahja Beela oo ka tirsan Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Xamar.
Qisada Maana-faay waa hormuudka sheekooyinka ku qoran afka hooyo, waana qisadii ugu faafida badneyd uguna caansan sheekooyinka Soomaaliyeed, waxayna u qoran tahay hab casri ah oo kuu saamaxayo inaan akhriskeeda ka xiisa dhacin.

















