Maamulka idaacadda iyo taleefishinka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shalay oo ku beegneyd 1/3/2021 waxa uu qado sharaf si qurux badan loo soo agaasimay u sameeyay guddoonka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo madaxda naadiga Somali Pen, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti.

Munaassabaddaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa dhanka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Dr. Maxamed Daahir Afrax, Wakiilka AGA ee Jabuuti Dr. Nimcaan Cabdullaahi Qawrax, dhinaca Somali Pen waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha naadigaasi Xaaji Ismaaciil Taani, Md, Xaashi Cabdullaahi Orax oo ka tirsan odayaasha Somali Pen, wariyayaal iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha idaacadda iyo taleefishinka Jabuuti ee RTD Md, Maxamuud Saleemaan Xareed oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay madaxda AGA iyo Somali Pen in uu ku soo dhaweynayo sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen barnaamijyada ay baahsio warbaahinta Jabuuti ee ku saabsan aqoonta, afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, waxaana uu caddeeyay in warfaafinta Jabuuti ay ka go’an tahay garab-istaagga hawlaha ay u xil-saaran yihiin AGA iyo Somali Pen.

Gudoomiyaasha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Guddoomiyaha Somali Pen Xaaji Ismaaciil Taani oo iyaguna xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin munaasabadda gaarka ah ee uu u sameeyay maamulka warbaahinta Jabuuti, waxaana ay ku cel-celiyeen in ay soo dhaweynayaan dadaalka ay warfaafinta Jabuuti ugu jirto noolaynta iyo hiilka afka, dhaqanka iyo hal-abuurka.

Munaasabaddaasi ayaa ku soo beegantay xilli dhawaan caalamka laga xusay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo oo sannad walba la xuso 21 Febraayo.