Maamulaha Jaamacadda Green hope, Baresare Mustafa Macallin Cabdulle oo ka hadlayay xaflad lagu soo bandhigay buug ku saabsan Taariikhda Qorista iyo Horumarinta Af Soomaaliga, isla markaana shahaado lagu guddoonsiinayay arday dhammaysatay tababbar ku saabsanaa Habdhigaalka Af Soomaaliga ayaa ka sheekeeyay sababihii iyo baahidii keentay inay Green Hope billowdo kulliyad lagu barto Af Soomaaliga iyo Suugaantiisa.

Baresare Mustafa oo khudbaddiisa dhinacyo kala duwan kaga hadlay, ayaa si gaar ah ugu dheeraaday halka uu ka soo billowday geeddiga kulliyadaas oo uu si qaas ah ugu mahadceliyay Jaamacadda Jigjiga, gaar ahaan Machadka Daraadaaska Af Soomaaliga iyo Suugaantiisa oo uu sheegay inay garab iyo gaashaanba u ahaayeen furidda kulliyaddoodani.

“Way adkaan doontaa in lagu soo dhiirrado barashada afkeenna hooyo iyo suugaantiisa, haddii aan la shaqaalaysiin dhallinyaradii ka soo baxday Jaamacadda oo ahayd 85 arday, qaarkood hadda way shaqeeyaan, inta aan weli shaqada helin waxay nooga wada baahanyihiin garab istaag iyo shaqasiin” ayuu yiri Baresare Mustaf Macallin Cabdulle oo ka codsaday hay`adaha dawladda, wasaaradaha iyo shirkadaha inay shaqasiiyaan ardayda soo baratay afkooda hooyo, si`ay ugu daydaan ardayda kale ee asaagooda ah oo aan aqoon afkooda hooyo.

 Jaamacadda Green Hope ayaa ah Jaamacadda kaliya ee ku dhiirratay inay samayso kulliyad lagu barto Af Soomaaliga iyo Suugaantiisa.