Munaasabadda maalinta caalamiga ah ee akhriska iyo qoraalka, oo loo asteeyay 8 bisha Sebtembar ee sannad kasta, munaasabaddan awgeed, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ururrada bahwadaagta ay yihiin sida Golaha Abwaannada Soomaalieed, Naadiga Hal`abuurka iyo Qalinleyda Soomaliyeed, naadiyada akhriska iyo qoraalka, naadiyada dhallinyarada, qalinlayda iyo hal`abuurka Soomaaliyeed, iyo guud ahaanba bahda aqoonta iyo cilmiga.

Wax-akhrisku waa in wax la akhriyo, ha ahaadaan buug, buug cutubkiis, wargeys, warar, sheeko, diin, IWM. Wax-akhrisku waa isbeddelka keliya ee ku imaada Aadanaha xilli walba udub dhexaadna u ah hab fikirka maskaxdiisa.

Qoraalkuna waa lamaanaha hadalka, sababtoo ah qoraalka ayaa hadal loo beddeli karaa ama hadal ayaa qoraal laga dhigi karaa. Sidaasi darteed ayay wax-qoristu qayb uga tahay aasaaska isgaarsiinta Aadanaha.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxaa loo unkay ilaalinta adeegsiga Afsoomaaliga iyo tayaynta adeegsigiisa iyo halabuurkiisa, waxayna dhammaan ummadda Soomaaliyeed ku boorrinaysaa ilaalintiisa iyo xoojinta adeegsigiisa.

Yaan la moogaan kobcinta wax-akhriska iyo qoraalka!

Waxaa Diyaariyay:-
Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir)