Gaalkacyo:- Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa soo qabanqaabisay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo si weyn looga xusay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta Degmada Gaalkacyo, madaxda ka tirsan maamulka gobolka, ardayda jaamacadaha iyo madaxda AGA ee laanta Gaalkacyo.

Intii ay socotay xafladda weynaynta maalintan caalamiga ah waxa lagu xusay sooyaalka iyo taariikhda afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

21 Febraayo ayaa ah maalinta caalamiga ah ee caalamku u dabaaldego maalinta afafka caalamka.