Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna xusayay Sannad-guuradii 24-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii naadiga Somali Pen, ayna ka soo qayb-galeen mas’uuliyiin ka socday Akadeemiye-Goboleedka AGA, Somali Pen, naadiyada akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa maanta oo ku beegan 19/8/2021, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, waxaa halkaas warbixin ka soo jeediyay kaaliyaha xoghayaha laanta Koonfurta Soomaaliya ee Somali Pen, C/qaadir Cabdi Jubba oo sheegay in uu Somali Pen ka faa’iiday waxyaabo badan, waxaana uu caddeeyay in ay Somali Pen ku martiqaaday shirar waaweyn oo looga hadlayay afka Soomaaliga, isaga oo ku baaqay in naadigaas loo huro naf iyo maal.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaas ka hadlay Xoghayaha laanta Koonfurta Soomaaliya ee Somali Pen, Axmed Maxamuud Dhicisoow (Yaanyo), waxaana uu ku dhiirri-geliyey  dhallinyarada Soomaaliyeed in ay ku soo biiraan naadiga, si loo helo jiil cusub oo howsha halkaas ka sii ambaqaada, maadaama dadkii juhdiga geliyay ay yihiin qorax sii dhacaysa.

Al-ustaad Cali Cigaal oo ku hadlayay magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Agaasimaha xarunta Laashin Xasan Cabdulle Calasoow (Shirib-maal) oo iyaguna munaasabadaasi ka hadlay ayaa qirey Somali Pen in ay hawl wanaagsan u soo qabatay ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo uga mahad-celiyay mas’uuliyiinta naadigaasi dadaalka ay ugu jiraan horumarinta afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa

Marwo Dahabo Shiikh Maxamuud oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka naadiga oo xafladaasi ka hadashay ayaa ku boorisay wiilasha iyo gabdhaha ku soo biiray naadiga in ay wax weyn ka bedelaan hawlaha naadiga, si Afka Soomaaliga uu uga mid noqdo afafka adduunka ugu horumarsan.

Guddoomiyaha Naadiga Somali Pen ee Laanta Koonfurta Soomaaliya, C/naasir Yuusuf Macallin oo soo gunaanaday  munaasabadaasi ayaa sheegay guud ahaan xubnaha naadigaasi in uu ugu hambalyaynayo sannad-guurada 24-aad ee ka soo wareegtay dhalashadii Somali pen, waxaana uu dhanka kale si kalgacal leh u soo dhaweeyay dhallinyarada cusub ee naadiga ku soo biirtay, isaga oo ugu yeeray xubin kasta oo ka tirsan naadigaasi in ay xil gaar ah iska saarto gudashada waajibaadkeeda.

Munaasabadaasi oo ku dhacday jawi qurux badan ayaa waxaa Abaalmarino iyo Shahaadooyin lagu guddoonsiiyey dadkii aasaaska u ahaa naadiga Somali Pen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.