Iyadoo sannad walba bisha Febraayo 21keeda dunida oo dhan laga xuso maalinta caalamiga ee afka hooyo oo ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka loona soo gaabiyo UNESCO horay u iclaamisay, ayaa Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga, waxay sannadkan 2025 qabatay kulamo lagu weyneynayey maalintaas, iyadoo weheshaneysa hay’addo ay bahwadaag yihiin.
Kulamadaas oo ka kala dhacay dalka gudhiisa iyo dibaddiisa ayaa mid ka mid ah, waxa uu ka dhacay aaladda Zoomka, habeenkii ay ku beegneyd 21/2/2025, waxaana soo qabanqaabiyay laamaha Akademiyada ee qurbaha, iyadoo ay ka soo qeybgaleen dadweyne fara badan oo warbixinno iyo aqoon dheeri ah ka dhegeystay masuuliyiinta AGA iyo aqoonyahanno kale.
Barnaamijka waxaa erayo warbixin, guubaabo iyo hogatusaaleynba isugu jira ku furay guddoomiyaha AGA Macallin Siciid Saalax Axmed oo hoosta ka xarriiqay horumarka uu afkeenna hooyo sameynayo marba marka ka dambeysa iyo sida loogu baahan yahay in qof waliba kaalintiisa ka qaato hawshaa socota.
Macallinku wuxuu ka hadlay qorshaha AGA ee sannadaha soo socda dhanka naxwaha, qaamuusyada, eraybixinnada, suugaanta iyo guud ahaan adeegsiga afka,
Wasiir iyo danjire Maxamuud Dirir oo Zoomka ka soo galay Addis Ababa ayaa si wanaagsan u qeexay ahmiyada uu afka hooyo u leeyahay ummad waliba. Wasiirka oo aad ugu xeeldheer afafka iyo dhaqamada ayaa ka warramay afka hooyo oo la kobciyo lana hormariyo faa’iIdooyinka uu u leeyahay ummadda.
Ustaad Mustafa Cabdillaahi Feyruus oo ka tirsan masuuliyiinta AGA ayaa sI cilmiyeysan uga hadlay afka Soomaaliga iyo casrigan dhijitaalka (Digital).
Marwa Caasha Geelle Diiriye oo iyadana ka tirsan masuuliyiinta AGA ayaa is dultaagtay masuuliyadda dawladaha iyo maamullada ka saaran ilaalinta iyo u hiilinta afka hooyo.
Macallimad Nimco Nuur ayaa si qotodheer uga hadashay caqabadaha carruurta qurbaha ku nool ka haysta afka hooyo, waxay tusaalooyin dhowr ah ka bixisay sida xal loogu heli karo.
Ustaad Cabdi Suleymaan oo joogay gobolka Minnesota ee carriga Mareykanka ayaa wuxuu ka hadlay kaalinta qurbajoogta ay ku leeyihiin afka hooyo. Wuxuu ka warramay xilli hadda dhowr sano laga joogo oo ay halkaas ka abaabuleen urur la yiraahdo Meertada Afka iyo Dhaqanka oo da’yarta lagu barayey afka, laguna abaabuli jiray barnaamijyo dhaqan ilaa la gaarsiiyey in jaamacadda Minnesota laga dhigo maaddo af Soomaali ah oo uu macallin ka ahaa Siciid Saalax Axmed.
Waxaa xigay su’aalo ka soo qeybgalayaashii ay weydiiyeen hadal jeediyaashii. Waxaa lagu ballamay barnaamijyada kale ee soo socda haddii Alle idmo.