Laamaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA ee ku kala firirsan dacalada adduunka ayaa si kala gooni–gooni ah u xusay maailnta caalamiga ah ee afka hooyo, Laan kasta oo ka tirsan Akadeemiyada AGA ayaa xuskaasi ku qabatey xarunta ay ku leedahay halka ay caalamka kaga dhaqan tahay.
Magaalooyinka uu xuskaasi ka dhacay ayaa kor u dhaafaya 10- Magaalo, waxaana munaasbad walba ka soo qeyb galay masuulyiin kala duwan iyo dadweyne aad u fara badan, Magaalooyinka lagu qabtay xuskaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Baydhabo, Garowe, Hargeysa, Jabuuti, Jig-jiga, London, Minnesota iyo goobo kale oo badan.
Munaasabadii xuska afka hooyo ee lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka heer Gobol, Degmo iyo madaxda Koonfur Galbeed, hadal uu halkaasi ak soo jeediyay Wasiirka Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dr. Maxamed Abuukar Cali ayaa ka warbixiyay muhiimada uu ummad kasta u leeyahay afkeeda, waxaana uu bulshada ku booriyya inay u hawl gasho illaalinta afkeeda hooyo.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA ee degaanada Koonfur Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay oo isna munaasabdaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida kuu u yimid xuska maalinta afka hooyo, waxana uu dhinaca kale ka waramay dadaadka ay Akadeemiayada AGA ugu jirto daryeelka afka Soomaaliga, isagoo xusay inay waajib tahay nooleynta afkeena hooyo.
Munaasabadaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa qeyb libaax leh waxaa ka qaatey Guddomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo.
Munaasabad kale oo taasi la mid ah ayaa ka dhacday Magaalada Garowe ee xarunta Dawlad Goboleedka Puntland, munaasabdii xuskaasi oo fiican loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ka kal socotay maamulka Puntland, masuuliyiin matalaysay Akdeemiye-Goboleedka AGA, wakiilo ka socday bahda Waxbarshada iyo marti sharaf kale,
Madaxdii xuskaasi ka hadashay ayaa ku dheeraatay ka hadalka tariiqda afka Soomaaliga iyo heerarka uu soo marey, waxaana ay sheegeen inay bulshada Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaan xuska maalinta caalamiga ah ee afkla hooyo, iyagoo balanqaaday inay horseed ka noqon doonaan xoojinta afka Soomaaliga.
Magaalada Jig-jiga ee Dawlad deegaanka Domaalida Itobiya ayaa iyaduna lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay xuska maalinta afka hooyo, khudbad ay halkaasi ka soo jeediyeen Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Jigjiga Md, Ilyaas Cumar, Macallin Maxamud Wakiilka AGA ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itobiya iyo Bare Sare Axmed Sheikh Cabdi-raxmaan oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Akadeemiyada AGA ayaa ka hadlay wanaaga uu afku leeyahay, waxaana ay bulshada ku guubaabiyeen sidii xil gaar ah la isaga saari lahaa horumaint afka Soomaaliga.
Munaasabdaasi oo ku dhacday jawi aad wacan ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan ay tirinayeen qaar ka mid ah abwaanada Soomaalida itoobiya, Munaasbado kale oo kuwaasi la mid ah ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtay Magaalooyinka Hargeysa , Londan iyo Waqooyi Ameerika (Minnesota).
Sannad walba marka lagaaro xuska maalinta afka hooyo ayaa Laamaha Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxay soo abaabulaan munasabado lagu weynaynayo xuskaasi.
![]()














