Hordhac :-
Prof : Maxamed Daahir Afrax, waa qoraagii ugu horreeyay ee Af Soomaali wax ku qora, Waa qoraa caan baxay, waa ilayska iyo hiilka afka hooyo, waa qalin maal qormadiisa Illaahay ku laray xikmad iyo maan, waa aqoonyahan daraja sare ka gaaray xagga tacliinta, waa siyaasi, waa hal abuur hillinkuu u istaagaa aan marna ku hungoobin, waa go’aan side aan ka soo laaban halkuu gaar isleeyahay, waa geesi aan runta ka cabsan, waa qoraagii ugu saamaynta badnaa qarnigii 20-aad inta xusuusta lagu haayo qorayaasha Soomaaliyeed, waa dhimriye bulshada dhex gala oo aan ka faanin oo ay wada jecel yihiin gar -madoobe, gar-cadde iyo guntane .
Dhalashadiisa iyo waxbarashadiisa:-
Prof : Maxamed Daahir Afrax, waxaa uu ku dhashay deegaanka Garacad oo dhaca xeebaha Bari ee Gobolka Mudug qiyaastii 1952-kii .
Waxaa uu dugsiga Qur aanka kaga baxay isla deegaanka Garacad, markii uu Qur`aanka xafiday waxaa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho si uu halkaasi kaga bilaabo waxbarashada aasaasiga ah, isagoo waalidkiisa ay u arkayeen nin fir-fircoon oo maskax furan dadaalkiisuna badan yahay kuna wanaagsan dhanka tacliinta .
Waxbarashadiisa dugsiga Hoose/dhexe iyo sareba waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho ,Sannadkii 1984-kii waxaa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda uu ka qaatay Jaamacadda Cadan ee waddanka Yaman , Sanadkii 1997-kii waxaa uu shahaadada ugu sarraysa ee PHD uu ka qaatay University of London .
Wargayskii Codka Jubba
Wargayska Codka Jubba (SOWTU JUBBA), waxaa uu ahaa wargays ku soo baxa luuqadda carabiga maadaama xilligii wargayskaasi soo baxaayay aysan qornayn Farta Soomaaliga, wuxuuna qayb ka ahaa tobanaan wargays oo dalka kasoo bixi jiray kuna soo bixi jiray luuqadaha carabiga, ingiriiska iyo talyaniga .
Wargayska waxaa uu ka soo bixi jiray magaalada Kismaayo, wuxuuna ahaa wargays si wayn loo akhrisan jiray gaar ahaan dadka reer Kismaayo ay ku taxnaayeen , 21-ka bishii Oktoober 1972kii markii la qoray farteenna hooyo, waxaa soo muuqday xiiso iyo ifafaalooyin wayn oo loo qabay farteenna oo qoran .
Wax ka yar 60 cisho, waxaa uu bilaabay Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ahaa qorayaasha wargayska codka Jubba dadaallo sidii wargayskaasi qayb ka mid ah loogu qori lahaa far Soomaali, dadaal badan uu sameeyay kadib waxaa u hirgashay Maxamed Daahir Afrax oo xilligaasi ahaa wiil dhalinyaro ah waliba aad u da`yar in wargayska bogaggiisa dambe uu ku soo biiriyo qaybo ku qoran afka hooyo, qiyaasta xilligaasina waxaa ay ku aadanayd dhammaadka bishii Nofeembar 1972-kii iyo bilowga bishii Disembar isla sannadkaasi .
Maxamed Daahir Afrax, waxaa uu sidaasi ku noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee af-Soomaali wax ku qora, taariikhda saxda ahna waxay noqonaysaa in wargayska codka Jubba uu ahaa warsidihii ugu horreeyay ee lagu qoraa afka hooyo.
Sida aan ka warqabnaa 21 Janaayo 1973kii, waxay ahayd xilligii ugu horraysay uu soo baxaa wargays rasmi ah kuna hadlayo codka Dowladda oo ku qoran af Soomaali, hase yeeshee uusan ahayn wargayskii ugu horreeyay ee af Soomaali ku soo baxa balse aan dhihi karno wargays ay Dowladdu leedahay ayuu ugu horreeyay ee afkeenna ku qoran .
Waxaan marna la illoobi Karin Ilaahay naxariistii janno ha siiyee, Yuusuf Abuu-raas oo marna soo ahaa duqa magaalada Muqdisho in isna uu dhexda u xirtay sidii uu u rumayn lahaa riyada wiilka dhalinyarada ah ee ahayd in wargayska Codka Jubba lagu soo kordhiyo qayb ku qoran afka hooyo, Abuu-raas oo xilligaasi wakiil uga ahaa Dowladda magaalada Kismaayo, waxaa uu xarunta wargayska gaarsiiyay qalab iyo madbacad si uu u dhiirri galiyo wax ku qorista afka hooyo, waxaa ay taasi kuu muujinaysaa sidii madaxdeennii hore ay uga go`nayd tayayna afkeenna hooyo iyo hormarintiisa, waana kaalin mar walbaa looga baahan yahay qof kasta oo muwaaddin ah in si dhab ah uu ugu istaago turxaan bixinta afkiisa hooyo .
Gebo-gebadii waxaanu halkaani iyo caddaymahaaniba ku qiraynaa in wargayska codka Jubba uu ahaa wargayskii ugu horreeyay ee af Soomaali ku soo baxa, halka Prof : Maxamed Daahir Afrax isna uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee af Soomaali wax ku qora, waliba wargays ay mujtamac badan ku xeran yihiin Illaahay ha xafido wanaag iyo abaal bandanna ha ugu badalo, waxaase xaqiiqo ah in Prof : Afrax ay taariikhda xusi doonto.
Qoraalladii iyo buuggaagtiisa saamaynta reebay
Prof : Maxamed Daahir Afrax, waa qoraa hal abuurkiisa uu saamayn badan yahay dadkana u gala dhuuxa, waa farshaxaniiste hab cajiib ah ugu arooriya qoraalladiisa, waa shakhsi aan laga daalin qormooyinka uu qoraa, waa qoraa ay buuggaagtiisa isugu xeran yihiin bogba bogga ka danbeeya illaa qofka uu buugga ka dhameeyana uusan ku caajisayn akhrintiisa .
Buuggaagtiisa kuwa ugu caansan ee uu qoray waxaa kamid ah :
Galti-Macruuf
Maana Faay
Fan masraxeedka Soomaalida .
Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay .
Afartaan buug aan kasoo qaatay buuggaagtiisa uu qoray intii akhrisay ayaa og waa buuggaag aan kala sidan oo mid kastaa muggiisa iyo macnihiisa uu la gaar yahay .
Bal aan tusaalayaal kooban soo haabto saamaynta buugaagta uu qoray Prof : Afrax, sheekada Maana Faay waxaa ay ka mid ahayd sheekadii macnaha iyo nuxurkaba u yeeshay wargayskii Xiddigta Oktoober, waxay ahayd sheeko hawada sare gaarsiisay dalabka iyo baahida bulshada u haysay wargayskaasi kadib markii qoraalka sheekadaas lagu soo daabacay wargayska .
Qiyaas aan lagu fakari Karin iyo miisaan aan la filayn ayeey dalka ka gaartay, waxyaabaha xusuusta lagu haayo ee marna aysan bulshada illoobi Karin waxaa kamid ahayd in sheekaddaasi ay wargayska gaarsiisay in laga daabaco inta xusuusta lagu haayo caddad laga sameeyo wargays afka hooyo ku qoran, waxaa la daabacay 30 Kun oo nuqul, mucjisadii dhacday waxay ahayd in laysku dilaayay dadkiinna la gaarsiin waayay illaa markii danbe la amray in wargayska la gaarsiiyo caddadkiisa 60 Kun taasoo afka gacan ku qabo ku nqotay madaxdii iyo minjihii bulshada Soomaaliyeed .
Buugga Galti Macruuf sida aad ka dha-dhansanaysaan magaca waa sheeko dhaqanka taabanayso walibana uga hadlayso si dareen taabad ah .
Dal dad waayay iyo duni damiir beshayna waa astaan iyo magac uu qof kastaa dareemi karaa qiyaasanna karaa in ay ka tarjumayso in buuggaani ka hadlayey bur-burka bulshada Soomaaliyeed ku yimid iyo sida ay dunidii kale uga aamustay dhibka iyo dhibaatada bulshadeenna ku habsatay ee asaagooda ka reebtay .
Buugga sida farashaxannimada uga hadlayo riwaayadihii dalka laga soo dhigay oo ay hormuudka ka ahaayeen hoballadii Qaranka Soomaaliyeed, Fan masraxeedkii Soomaalida isna waa buug cajiib ah, qofka akhriyaana uu runtii ka dha-dhansan karo macnihii ay xanbaarsanaayeen riwaayadahaasi kala duwanaa, waa buug qofka markuu dheehdaa uu kaga bogan karo baahi afeed tan erayeed iyo tan suugaaneedba.
Ma ahan mid qoraal kaliya lagu soo koobi karaa nuxurkii iyo macnihii ay xanbaarsanaayeen buuggaagta uu Prof : Afrax qoray iyo qoraalladii uu sameeyay .
Waxaa uu wax kusoo qoray wargaysyo fara badan waxaa uu hal abuuray wargaysyo caan baxay, waxaa uu ka mid ahaa ruug cadayaashii iyo qorayaashii ugu tunka waynaa wargaysyadii Dowladdii Kacaanka ahayd gaar ahaan Najmatul Oktoober iyo wargayskii isna afka hooyo ku soo bixi jiray ee Xiddigta Oktoober, waxaa uu talo,f akar iyo abaabul badan ku lahaa wargaysyo badan iyo mareegyo fara badan oo ka hadla dhinaca dhaqanka iyo suugaanta .
Aas-aasiddii Naadiga Pen iyo AGA .
Intii uu ku sugnaa Prof : Afrax magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaa u soo baxday in ummadda Soomaaliyeed ay helaan madal kulminaysa afkooda, dhaqankooda iyo hiddahooda .
Dadaal, talo iyo fakar badan kadib waxaa Prof : Afrax u soo baxday in lagu dhawaaqo Naadiga Qalinlayda iyo ha abuurka Soomaaliyeed ee Somalipen sanadkii 1997, waxaa naadiga looga dhawaaqay magaalada London , wuxuu naadigaan kulmiyay isu keenay abuuray madal ay isaga war-qabi karaan ku kala warqaadan karaan qalinlayda iyo hal abuurka isla markaana ay bulshada ku gaarsiin karaan fikradaha saliimka ah ee wax dhisaayo iyo hal abuurka .
Naadiga kuma uusan ekaanin xaruntii lagu aas aasay sidii lagu yaqaannay ururrada Soomaalidu samayso ee waxaa uu soo caga dhigtay halkii loogu baahi badnaa waloow ay u baahan tahay meel walba oo Soomaali joogto, waxaa xarun looga dhigay waddanka Jabuuti oo ah xarunta kaydka dhaqanka afka iyo hal abuurka Soomaaliyeed, waxaa uu laamo ku yeeshay gudaha waddanka, waxaa uu qabtay barnaamijyo badan illaa hadda marna ma uusan daciifin naadiga kamana caajisin hawshii loo igmaday, waxaanu dhihi karnaa riyadii Afrax ee uu naadiga ka lahaay labaatan sano ka hor in ay maanta rumoowday .
Aas-aasiddii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee (AGA) :
Sida uu magacuba ka tarjumayo Akademiyadaani waxay u dhaxaysaa bulsha kastaa oo af Soomaaliga ku hadasha waxaa la aas-aasay sanadkii 2012kii, hawsheeda iyo waxqabadkeeda waxay noqotay mid ay bulshada Soomaaliyeed u riyaaqaan isla markaana ay jeclaystaan .
Akadeemiyada waxaa xarun u ahayd waddanka Jabuuti hase yeeshee dadaal badan uu sameeyay aas-aasihii Akademiyada Allaha xafidee Prof : Afrax ayeey suuragashay in magaalada Muqdisho xarun looga dhigaa ,isagoona Afrax uu ku guulaystay in adduunka uu ku soo jeediyaa magaalada Muqdisho iyo dhagax dhiggii Akademiyada ay ka soo qayb galeen dhammaan madax ka socotay gobolka afka Soomaaliga looga hadlaa oo uu hormuud ka ahaa Allaha xafidee Madaxwaynaha waddanka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle .
Akadeemiyada markii ay magaalada Muqdisho soo caga dhigatay waxaa ay qabatay tababarro badan oo ay siinaysay dhalinyarada Soomaaliyeed, saxaafadda iyo ururrada ka shaqeeya horumarinta Afka hooyo .
Soo caga dhigashadii Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho waxaa ay keentay in dhalinyara badan ay u istaagaan hormarinta iyo wax ku qorista afkooda hooyo .
Waxaa ay Akadeemiyda tababar siisay dhalinyarada gaar ahaan ardayda dugsiyada sare si loo gaarsiiyo nuxurka iyo qiimaha afkooda hooyo lana dareensiiyo in ay isaga wax ku noqon karaan.
Intaan aanu ka soo hadalnay waxaa aabe u ahaa Prof : Maxamed Daahir Afrax oo isaga shiday soo nooleeyay afkeennii haadaanta kasii dhacaayay ,ilaahayna waa ku garab galay Ditoorka rajadiisa iyo niyaddiisa ayadoo qiyaasta maanta la hayaa ay sheegayso in 3 meelood hal iyo bar ay maanta dhalinyarada qalinka qaateen .
Prof : Maxamed Daahir Afrax, waxaa uu waqtigiisa ku lumiyay u adeegidda bulshadiisa u istaagidda sidii loo bad-baadin lahaay afkeenna hooyo ee maanta haadaanta dheer ka sii dhacaaya balse uu daba qabateeyay Prof : Maxamed Daahir Afrax, waxaa uu ka soo tagay ehelkiisa iyo qaraabadiisa, waxaa uu nolashiisa iyo waqtigiisa siiyay in uu u shaqeeyo afkiisa hooyo kaasoo haddii la waayaa jiritaankeennana uu bur-buraayo .
Prof : Maxamed Daahir Afrax waxaa xusi doonta taariikhda marna quluubta bulshada Soomaaliyeed kama baxayso dadaalka uu u haayo bulshada uu ka dhashay .
Prof : Maxamed Daahir Afrax waa halyeey u hilliyay afka hooyo waa hanad maanta keenay hormarka ay samaynayaan qorayaasha da`da yar iyo kobaca ay sii samaynayaan maalin walba.
Prof : Maxamed Daahir Afrax wax-qabadkiisa iyo waxtarkiisa lama soo koobi karo waxaanse ku soo xerayaa darajadaada ilaahay unbaa gudi kara abaalkaadana ilaahay ha kaa jaasyo, miisaanka xasanaadkana ha kuugu daro .
Xigasho:- Buugga Xikmadda Nolosha














